Waxaa sii xoogeesaneysa khilaafka u dhaxeeya Shirkada Twitterka iyo Madaxweynaha Mareykanka , waxaana talaabadii ugu dambeesay Twitterka qaaday ku qarisay qoraal uu Trump soo dhigay bartaasi uu uga hadlayay rabshadaha ka socda magaalada Minnepolis.
Twitterka ayaa dadka ka qarisay in ay arkaan qoraal uu Madaxweyne Trump uu soo dhigay barta uu leeyahay, waxa ayna shirkada qoraalka Madaxweynaha ku bedeshay digniin ah in aan la aqrin karin.
Shirkadda Twitter ayaa ku eedeeysay madaxweyne Trump inuu horseedayay kicinta rabshado , waxa ayna tilmaantay in qoraalka Trump uu soo dhigay halkaasi ee qariyeen uu jebinayay shuruucdeeda isla markaana ay meesha ka saartay si aanan loo akhrin.
Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay koox tuugo ah inay dab qabadsiiyeen saldhig boolis oo kuyaala magaalada Minneapolis, waxa uu sidoo kale duqa magaaladaasi ku tilmaamay mid tabar daran oon waxbo qaban karin.
Dhinca kale Trump oo Duqa magaalada Minneapolis ku tilmaamay qof tabar daran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan indhaha ka dadan karin waxa ka socda magaalada Minneapolis isla markaana uu ciidammo u diri doono halkaas si xaaladda loo dejiyo kaddib markii uu qoraal soo dhigay barta Twitter-ka.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay duqa magaalada Jacob Frey in uu wax ka qaban waayay xaaladda.
“Ma daawan karo wax ka socda magaalada weyn ee Minneapolis. waxaa dhici kartaa hoggaan la’aan ka imaan karta duqa tabarta daran ee magaalada Jacob Frey, waa in aan wax kala qabannaa xaaladda si magaalada aan gacanta ugu dhigno ama waxaan ciidammada qaran u diri doonaa halkaas si ay shaqo wanaagsan u qabtaan”
Dhanka kale, duqa magaalada Minneapolis ayaa sheegay in Trump uusan waxbo kala socon xaaladda Minneapolis isla markaana ay u mideysan yihiin sidii looga bixi lahaa dhibaatadan adag.
Dibadbaxyo ballaaran ayaa habeenkii 3-xaad ka socda magaalada Minneapolis kuwaasi oo looga oo horjeeda dil ay booliska u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.