Tuugga Qarniga” – “Riyadii Wey Burburtay” Sidee Ayey Wargeysyada Talyaaniga & Kuwa Spain Uga Falceliyeen Soo Bixitaankii Muranka La Galiyay Ee Real Madrid.

0
22

Wargeysyada talyaaniga iyo kuwa Spain ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay kulankii ay xalayReal Madrid ugu gudubtay semi final-la Champions League, sheekada hadal heynta xiiso gaar ah u yeelay go’aankii uu Michael Olivier ku dhigay rigoorada.

Kooxda reer talyaani ayaa kasoo rogaal celisay natiijo 3-0 ah oo ay lugtii hore ku qaadatay gurigeeda, balse gool uu dhaliyay Ronaldo dhamaadkii kulanka ayaa dhinac kale u riday natiijada walow Bianconerri ay guul heshay.

Mehdi Benatia ayaa qalad ka galay Lucas Vazquez sida ay noqotay aragtida garsooraha reer England Michael Olivier, waxaana si caro leh uga falceliyay wargeysyada Catalonia iyo kuwa reer Talyaani.

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa si caro leh uga hadlay arrinka kadib markii uu bogga hore kusoo qoray: “Maxey Tuuganimo tahay”. Dhanka kale labada wargeys ee reer talyaani Gazzetta dello Sport iyo Tuttosport ayaa si fiican diirada u saaray bandhigga fiican ee Juventus iyo qaabkii ay rabeen iney usoo rogaal celiyaan.

La Reppublica wargeyska la yiraahdo ayaa isna sidoo kale qoray in gabi ahaanba riyadii ay laheyd Juventus la burburiyay.

Qof walba ayaa sugayay in wargeyska SPORT ee laga leeyahay Catalonia uu soo qori doono wax liddi ku ah Madrid, wuxuuna soo qoray: “Tuuganimadii qarniga” isagoo kusoo sawiray wajiga hore Michael Olivier oo casaan u taagaya Buffon.

Dhinaca kale Marca waxey tilmaantay iney aheyd rigoore isla markaana aysan jirin wax loo baroorto: “Waxey aheyd rigoore” ayey kusoo qoreen wajiga hore.

Wargeyska AS ayaa sidoo kale isagoon cidna difaacin soo qoray: “Laga bilaab argagax ilaa laga gaaro Semi final” isagoo ka dhawaajiyay iney kooxda Madrid ka badbaaday soo laabasho argagax noqon laheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here