Turkiga oo muhaajiriinta ka hor istaagaya inay dhanka badda ka galaan Giriigga

0
17

Ankara (saxilnews.com) Turkiga ayaana u oggolaan doonin muhaajiriinta inay maraan bada Aegean si ay ugu gudbaan Giriigga, sababo la xiriira inaysan ammaan ahayn, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha.

Amarkan oo ka soo baxay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa imaanaya toddobaad kaddib markii uu sheegay inuu “albaabbada u furayo” qaxootiga si ay u galaan Yurub, iyadoo ay taagan tahay xiisadda Suuriya.

Midowga Yurub ayaa Erdogan ku eedeeyay inuu qaxootiga u isticmaalayo dano siyaasadeed. Waxay midowga Yurub ku adkeysanayaan in xudduudahoodu ay xiran yihiin.

Dhanka kale, isku dhacyo ayaa mar kale ka soo cusboonaaday xadka.

Waxaa muuqata inaysan waxba iska beddelin oggolaashaha uu Tukrigu u oggolaaday qaxootiga inay hdulka maraan si ay u galaan Giriigga.

Booliiska Giriigga ayaa maanta gaaska dadka ka ilmeysiiya u adeegsaday dad dhoobnaa xadka, kuwaasoo iyagana ku jawaabay dhagaxaan iyagoo ku qeylinayay “fur albaabbada”.

Xukuumadda Giriigga ayaa sidoo kale booliiska Turkiga ku eedeysay inay gaaska dadka ka ilmeysiiya ku fureen booliiskooda.

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here