TRUMP OO LA FILAYO INUU CUNAQABATEYN CUSUB OO BAAXAD LEH KU SOO ROGO IIRAAN.

0
13

Washington:-(saxilnews.com) Wasiirka maaliyada ee Mareykanka Steve Mnuchin ayaa sheegay inuu rajeynayo in madaxweyne Donald Trump uu kusoo rogo cunaqabateyno cusub waddanka Iiraan.

Cunaqabteynahan ayay u badan tahay inay ka duwanaadaan kuwii laga qaaday Iiraan sanadkii 2015-kii, oo qeyb ka ahaa heshiiskii niyuuklerka ee dhexamaray Iiraan iyo waddamada Galbeedka.

Madaxweyne Trump ayay tahay in laga billaabo Jimcahan uu go’aan ka gaadho inuu sii wado cunaqabteynaha ama uu baabi’iyo heshiiska.

Trump ayaa waxa uu in badan kasoo horjeeday heshiiska waxa uuna u sheegay aqalka koongareska inay arrintan wax baddela la yimaadaan balse ilaa iyo haatan waxaba isma baddelin.

Kolsii horreysay, dowladddaha ugu quwada weyn Midowga Yurub ayaa ku booriyay Trump inuu taageero heshiiskii lala galay Iiraan, iyaga oo ku tilmaamay inay muhiim u tahay ammniga caalamka.

Wadahadal dhanka khadka teleefanka ah oo uu la yeeshay madaxweyne Trump dhigiisa Faransiiska Emmanual Macron, ayaa Trump waxa uu ugu sheegay in Iiraan ay waajib ku tahay inay joojiso qalqal galinta xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Octoobar ku gacan seeray heshiiska Iraan lala saxiixday. Waxa uuna ku hanjabay inuu dib u saarayo cunaqabteynadii laga qaaday markii Iiraan ay ogolaatay heshiiska ay ku xakameyneyso horumarinta barnaamijkeeda niyuuklerka.

Mr Mnunchin oo ka hadlayay jir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ayuu ku sheegay in madaxweyne Trump uusan ku qancin dhowr qeybood ka mid ah heshiiska.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa ka digay in ilaalinta heshiiskan ee dhanka Iiraan ay ku xiran tahay sida Washingon ay u ixtiraamto heshiiskii niyuuklerka ee ay wada galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here