Trump oo iska diiday talo caafimaad oo la xiriirta Coronavirus

0
17

Washinton dc (Saxilnews) Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuusan xiran doonin walxaha afka lagu xirto ee gacanta ka gaysta in cudurka uusan faafin, muddo yar un kaddib markii lagu dhawaaqay in dowladdiisa ay ku talabixinayso in dhammaan Ameerikaanka ay goobaha fagaarooyinka afkooda duubtaan.

Mr Trump ayaa ku celceliyay in tallaabooyinkaas aanay qasab ahayn.

Wuxuu shegay inaysan ka suuroobanin inuu madax, boqoro iyo kali taliyayaal in aqaka cad ku salaama isagoo uu afku u xiran yahay.

“Adigana kuma khasbanid, umaleyn maa in ana anigana xiran doono”

Talaaboyinka ay soo saartay xarunta ka hortagga cudurada ayaa imanaysa kaddib markii Mareykanka laga xaqiijiyay laba boqol iyo toddobaantan kun afar boqol toddobaatan iyo saddex kiis oo fayraska corona ah halka dhimashaduna, ay caga cageyneyso 7,000 oo qof.

China's government said the commemoration was held to pay respects to "martyrs"Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionXus loo sameeyay dadkii cudurka coronavirus uu ku dilay waddanka Shiinaha

Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay gudaha waddanka Mareykanka ayaa waxa ay maalin qura ka saramartay 1300, tiradaas oo noqonaysa middii ugu sarraysay ee muddo 24 saacadood ah dunida laga diiwaangeliyo.

New York ayaa noqotay meesha saameynta ugu badan uu ku yeeshay Corona iyadoo ku dhawaad 2,000 oo qof ay ku dhinteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here