Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa erayo laga haboon yahay waxa uu ku tilmaamay wadammada Afrika, Haiti iyo El Salvador, mar uu gaashaanka u daruurayay heshiis dhanka socdaalka ah oo ay labada xisbi ee waa weyn ee dalkaasi ay isla ogolaadeen.
Mr Trump ayaa xildhibaano uu kula shiray Aqalka Cad waxa uu waydiiyay sababta Mareykanka uu dad uga soo qaadanayo wadammadaas.
Isagoo sheegay in Mareykanka ay tahay inuu dad ka soo qaato sida waddanka Norway halkii wadammadan kale dad laga soo qaadi lahaa.
Madaxweyne Trumo ayaa markii la doortay horey uga dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah “si Muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka”.
Wuxuu saxiixay amar ku aaddan tallaabooyin laga qaadayo qaxootiga iyo mamnuucidda qaxootiga Suuriya illaa amar dambe.
Sidoo kale waxaa amarka ka mid ah in lla weydiiyo dadka Mareykanka galaya su’aalo “lagu ogaanayo sida uu codsiga noqonaayo iyo waxa uu ku soo kordhinayo bulshada