Waxuu sheegay in uu ku rajo weynyahay in dhamaan dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay u hogaasami doonaan arintaas, hase yeeshee dalal badan ayaa ku nuuxnuuxsaday in aanay Washington xaq u lahayn inay sidaa u hadasho maadaama oo ay qudheeduba ka baxday heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee Iran lala galay 2015.
Dhanka kale wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska kuwooda ugu maga dheer ayaa wax ka qoray xiisaddan ku soo korodhay xidhiidhka Maraykanka iyo Iran oo markiisa horba aad u cakirnaa.
Wargeyska The Independent, ayaa cadadkiisii maanta soo baxay ku waramay in maalmaha soo socda la filayo in Maraykanku culays dheeraad ah saaro Iran.
Culayska Maraykanku damacsan yahay inuu saaro dalkaas ayaa waxa ka mid ah in maraakiibta dagaalka ee Maraykanku ay biyaha caalamiga ah ku joojiyaan maraakiibta xamuulka ee Iran. Arintaas oo la ogyahay in ay uga sii dari doonto xiisadda murugsan ee haatan ba dhex taal labada dal.
Wargeysku wuxuu intaa ku daray in Washington damacsan tahay in ay cunoqabayno ku soo rogto iyo sidoo kale culays dheeraad ah, kuwaas oo xad gudub badheedh ah ku ah qaraarrada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee diidaya in xayiraado dheeraad ah la saaro maamulka Iran, maadaama oo [Maraykanku] ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran ee sannadkii 2015.
Wargeysku waxa kale oo uu ka soo xigtay u qaybsanaha Maraykanka ee arimaha Iran iyo Venezuel, Elliott Abrams, in uu yidhi “talaabooyinkan la qaadi doonaa kuma koobna oo keliya Iran e, waxay se sidoo kale abaarayaan xukuumadda Nicolas Maduro ee Venezuela”.
Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ugu maga dheer reer Yurub oo la hadlay wargeyska The Independent ayaa yidhi “cidna ma saadaalin karto waxa dhici kara hadii Maraykanku isku dayo in uu joojiyo markab xamuul oo Iran leedahay. Waxa se xaqiiqo ah in arintaasi abuuri doonto xiisad hor leh iyadoo weliba la ogyahay in labada dhinac aanay kalsooni isku qabin”.
Maalmo uun ka hor ayaa sidoo kale wargeyska mayalka adag ee ka soo baxa Iran ee la yidhaa Juwaan, sheegay “in ay dhici karto in Tehran si dhab ah uga baxdo heshiiskii nukliyeerka oo ay bilowdo tayeynta Yuuraaniyamka oo ay gaadhsiiso boqolkiiba sagaashan”.
Muddo xileedkii koobaad ee Donald Trump waxa haatan ka hadhsan dhawr bilood oo keliya, waxaana dhici karta in aan mar labaad la soo dooran.
Waana sababta ay qaar ka mid ah xukuumaddiisu u qabaan in talaabo kasta oo laga qaado “cadowga soo jireenka ah” ee Iran ay noqon karto arin suurto gelin karta in uu ku kasbado taageeryaal cod siiya.
Tan iyo markii xukuumadda Trump ee Maraykanku keligeed burisay heshiiskii quwadaha waaweyn ee reer Galbeedku la galeen Iran ee ku saabsanaa nukliyeerkeeda, waxa isa soo taraysay in ay Iran hadba digniin soo saaraysay oo ay ku goodiyeysay in iyadna ay ka bixi doonto hadii aan culayska laga yarayn.
Waxaana jiray tallaabooyin dhawr ah oo ay Iran qaaday tan iyo markaas oo ay sheegtay in ay ku dardar gelinayso barnaamijkeeda sawaariikhda iyo nukliyeerkeeda, oo ay had iyo goor ku sheegto inuu yahay mid si nabadgelyo ah oo adeeg madani ah looga faa’iidaysanayo.
Kordhinta tayeynta Yuuraaniyamka
War ay dhawaan soo saartay ayaa Iran ku sheegtay in ay haatan haysato in ka badan toban jeer xaddiga macdanta uranium-ka, ee loogu oggolaa heshiiskii caalamiga ahaa, sida ay sheegtay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada Nukliyeerka.
Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) ayaa sheegtay in keydka Yuraaniyamka ee Iran korordhkiisu uu gaadhay 2,105kg (4,640lb) – oo aad uga sarreeya 300kg oo ahaa intii lagu heshiiyay 2015.
Iran ayaa had iyo goor sheegta in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabagelyo oo keli ah.
Arrintan ayaa timid kadib markii Iiraan ay fursad u siisay kormeerayaasha IAEA inay galaan mid ka mid ah laba goobood oo looga shakisan yahay inay horey uga kaydiyaan tamarta nukliyeerka.
Hay’addu waxay sheegtay in ay tijaabo ka qaadi doonto goobta labaad dhammaadka bishan.
Sannadkii hore, Iiraan waxay si badheedh ah iyo si guudba uga noqatay ballanqaadyadeedii ay ku gashay heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka, oo ay saxiixeen 2015-kii Iran, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, Ingiriiska iyo Mareykanka.
Waxaana ballamahaas ka mid ahaa soo saarista uranium ka badan intii loo oggolyahay – in kasta oo ay tahay kordhintani yihiin mid ka hooseeysa inta loo baahan yahay in loo adeegsado hubka atomiga ah.
Si loo sameeyo hub nukliyeer ah, Iran waxay u baahnaan doontaa inay soo saarto 1,050kg oo ah 3.67% uranium la badiyey, laakiin waxay markaas u baahan tahay inay sii kobciso taas 90% ama ka badan, sida ay sheegtay kooxda u doodda Mareykanka ee fadhigeedu yahay Ururka Xakameynta Hubka.
Khubarada qaarna waxay leeyihiin howsha tayeynta waxay qaadan kartaa waqti dheer, haddii Tehran ay doorato inay sidaas sameyso.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Iiraan waxay sheegtay inay “si daacadnimo leh” ku oggolaatay inay kormeerayaasha hubka booqdaan goobaha kaydka, si ay u xalliyaan arrimaha taagan ee la xihiidhaa ilaalinta nukliyeerka.
Warbixintii ugu dambeysay, ee ay soo saaraan hay’adda caalamiga ah ee ilaalisa lana socota Nukliyeerka waxay ku sheegeen in Iran “ay u oggolaatay kormeerayaasha hay’adda goob ay ka qaadaan muunad ay ku ogaadaan halka wax marayaan”.
“Muunaddan ayaa ay baadhi doonaan shaybaadhaadhayaal ka tirsan shabakadda hay’adda, “ayay sii raaciyeen
Iran ayaa joojisay u hoggaansanaanta dhowr ballanqaad sanadkii hore iyada oo looga aargudanayo cunaqabateyntii Mareykanka ee uu dib u soo celiyey Madaxweyne Donald Trump markii uu heshiiska ka baxay.