Trump Oo Cambaareeyay Kuriyada Waqooyi Ka Dib Markii Uu Dhintay….

0
14
HENDERSON, NV - OCTOBER 05: Republican presidential nominee Donald Trump speaks during a campaign rally at the Henderson Pavilion on October 5, 2016 in Henderson, Nevada. Trump is campaigning ahead of the second presidential debate coming up on October 9 with Democratic presidential nominee Hillary Clinton. (Photo by Ethan Miller/Getty Images)
USA (Saxilnews):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Kuuriyada Waqooyi uguyeedhay “dilaa arxan daran” ka dib markii uu dhintay arday Maraykanka u dhashay oo halkaas ku xirnaa in kabadan 15 billood.

Image may contain: 2 people

Kuuriyada Waqooyi ayaa todobaadkii hore Maraykanka ku celisay Otto Warmbier oo 22 jir ah, iyada oo sheegtay in uu miyirkiisu daboolnaa muddo sannad ah ayna banii’aadannimo u hayeen wakhtigaas.

 

Waalidkiisuna waxay sheegeen in lagula kacay “jirdil aad u xun”.

Warmbier oo la xidhay isaga oo isku dayaya in uu xado calaamad borobogaando ah oo hotel taalay ayaan ka soo noqonin miyir daboolankii ku dhacay.

Trump ayaa sheegay “in waxyaabo xunxun oo badan ay ku dhaceen” Warmbier, wuxuuna intaas ku daray in ugu yaraan uu gurigii waalidkii ku soo laabtay, iyaga oo aad ugu farxay inkastoo uu xaalad xun ku sugnaa.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in geerida Warmbier ay sii xoojinayso xalkii “ay kaga hortagi lahaayeen in masiibooyinkaas oo kale ay dad aan waxba galabsanin ka soo gaaraan gacmaha xukuumad aan ixtiraamin sharciga iyo sharafta aasaasiga ah ee aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here