Top News] Haa’yada Care International Oo Ku Kacdey Talaabo Dhabarjab Ku Ah Qaranimada Somaliland, Qoysas Ay Ukala Abtirisey Iyo Xukumadda Oo Daawaneysa.

0
25

Saraakil sare oo ka tirsan haa’yada care ayaa majaro habaabiyay mashaariic ay haayadu bixiso oo lagu kaalmeynaayo dadkii ay abaartu ka dhameysay xoolihii ay haysteen,

Haa’yada care international ayaa waxay ka mid tahey haa’yadaha gargaarada ugu badan ka gaysta degaanada somaliland, haseyeeshee waxaa magacii haa’ayadasi meel kaga dhacay Iyo sumcad dil u gaystay qaar ka mid ah shaqaalihii haa’yadaadisii ka qoratay somaliland oo kala qoqob iyo qablaayad ay ka dhex wadaan degaanada somaliland ku qaybiyay mucaawinooyinkii ay haa’yadu bixineysey

Waxaana isa soo taraayay cabashooyin mudooyinkii ugu danbeeyay ay shacabku ka muujiyeen haa’yada care international,

Degmada Oog ee gobolka saraar ayaa wax ka dhacdey dhacdadii ugu foosheyxumeyd ee haayadu kula kacdey dadka barakacayaasha ah ee ku caydhoobey abaarihii dalka ka dhacay, waxaaney ukala abtirisey bulshadii saboolka aheyd ee halkaas ku nolaa, iyadoo qoys qudha qaraabo kiil ku siisey mucaawinooyinkii ay haa’yadu ugu talo gashey dadka barakacayaasha ah

Waxaana arinkaasi loo nisbeynayaa madaxa mashruuca degdega ah ee quudinta dadka tabaaleysan, Amran Axmed Shire, taas oo cadeysatay faquuqa iyo ukala ee xashada bulshada ay abaartu ka galaafatay xoolahoodii.

“Gabadha Amran la yidhaahdo waxay ku caanbaxdey ukala ee xashada dadka masaakin ee ku caydhoobey abaartii somaliland soo martay, waxaaney  kaalmooyin haa’yadu ugu talo gashey umada caydhoobey oo  ay siisey dad kasoo jeeda beesha habaryoonis gaar ahaana Sacad yoonis, taasina waxay ceeb iyo fadeexad ku tahey sumcadii haay’ada care, iyadoo qudha maahee saddexdii shaqaalaha ahaa ee degmada Oog u tagay qiimeynta dadka barakacayaasha ah waxay kasoo wada jeedeen isku degaan waxaaney kaalmadaasi ku taxeen qoyska ay kasoo jeedaan iyagoo ku andacoodey iney tahey deeq ka timi jaaliyada habaryoonis, xukumadda somaliland waxan ugu baaqeynaa iney haayada care dalka saarto madaama oo ay magac beleed huwan tahey bulshadiina isku dhac u horseedayso”ayuu yidhi  mid ka mid ah dadka degaanka oo warbaahinta la hadley.

Sidoo kale waxaa haa’yada dul hoganaaya eddeymo ay usoo jeediyeen bulshada reer somaliland, iyagoo ku dhaliilley iney shaqaalaheeda u qaadato cid gaar ah taas oo ay horseed ka yihiin saraakisha haayada care u xilsaartay soo xulashada shaqaalaha, waxaaney talaabadani dhabarjab ku tahey milgilihii iyo sharaftii haayadu ku dhex laheyd caalamka.

Si kastaba dadweynaha reer somaliland ayaa waxay ka dhursugayaan talaabada xukumadda somaliland ka qaado haa’yadan cadeysatay dhiirigalinta qablaayada iyo qoqobka bulshada somaliland.

 

Cabdilaahi Maxamed Jaamac

Burco/somaliland

Contact:0633133367

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here