Barcelona(saxilnews.com)-Tababare Quique Setién ayaa la ceyriyay kaddib markii ay kooxda Barcelona kala kulantay guuldarro 8-2 ah naadiga Bayern Munich.
61 jirkan reer Spain ayaa qabtay shaqada kooxda Barcelona kaliya bishii January, laakiin wuxuu arkay naadiga ay xilfaltamaan ee Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka La Liga, kaddib markii ciyaaraha dib loo bilaabay.
Bandhigii niyadjabka ahaa ee 8-2 lagu xasuuqay kulankii siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League ayaa soo gabagabeesay rajadii uu kalahaa sii joogitaanka garoonka Camp Nou ee xilli ciyaareedka soo socda.
Lionel Messi iyo xiddigaha kale ee kooxda Barcelona ayaa doorbidi lahaa magacaabista tababare ku guuleystay garoonka gudihiisa iyo dibadiisa.
Natiijadaas ayaana ka dhigan in maamulka garoonka Camp Nou ay horey u raadinayeen magacyada tababarayaal ay ka mid yihiin Xavi, Ronald Koeman iyo Pochettino.
Warbaahinta gudaha Spain ayaa warineysa in macalinka xiga ee kooxda Barcelona uu noqon doono Ronald Koeman, kaddib markii la sawiray isagoo sii galaya shalay galinkii dambe xarunta tababarka ee naadiga reer Catalonia.
Gool FM.