Baabuur uu leeyahay xiddiga Hollywood ee Tom Cruise oo noociisu yahay BBW ayaa laga xaday isaga oo duubaya filim uu matalayo, waxaanay arintaasi ka dhacday magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Atooraha ayaa magaaladan ku metelayey qaybtii todobaad ee filimka “Missison Impossible”
Wargeyska The Sun ayaa sheegay in “baabuurkaas oo uu leeyahay Tom Cruise laga xaday hudheelka uu deganyahay ee Grand dhexdiisa isla marnkaana ay saarnayd alaab qiimaheeda lagu qiyaasay kumanaan Giniga Sterling-ka ah”.
Hase yeeshee booliska West Midlands ayaa sheegay in baabuurkaas oo noociisu yahay BMW X7 laga xaday wadada Churches Street maalintii Salaasadii laakiin muddo kooban ka dib ay boolisku soo heleen.
Waxa laga helay baabuurka magaalo u dhaw tii laga xaday waxaana haatan socda baadhitaan oo waxay boolisku eegayaan kamaradaha wadada ku xidhnaa muuqaaladii ay duubeen.
Qaybo dhan oo ka mid ah suuqa weyn ee Grand Central ee ku yaal magaalada Birmingham ayaa Axaddii ilaa Arbacadii loo xidhay in filimkaa lagu duubo.
Dhanka kale dad badan oo jecel atoorahaas ayaa aad uga hadlay sida ay ugu farxeen in ay arkaan xidigaas filimada metela.
Mar uu tagay makhaayad cuntada dhaqanka Hindida lagu sameeyo ayuu halkaa kula kulmay laba askari oo ka tirsan booliska taraafigga.
Labadaa askari ayaa iyaguna sawir ay la galeen atooraha ku baahiyey baraha bulshada iyaga oo yidhi “waa xaqiiq oo sawirkani maama mid kombuyuutar lagu sameeyey ee waa qudhiisii”.
Waxa kale oo dadka nasiibka u helay in ay sawir la galaan xiddigaa ka mid ah duqa magaalada Birmingham, Maxamed Afdal oo sawir la galay atooraha iyo gabadha filimka la metelaysa.
Afdal ayaa yidhi “booqasho la yaable ayey ahayd iyo fursad aan u helay inaan daawado filim metelaadiisa la duubayo”.
Waxaanu intaa ku daray “waan sugi kari laayahay in aan filimkaa daawado kolka la dhamays tiro ee la soo saaro”.