Tog-Wajaale Khilaaf Xasaasi Ah Oo Ka Taagan Maamul Cusub Oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland U Magacaabay iyo Bulshada Oo Kasoo Horjeeda Faragalinta Wasiirada

0
25

Tog-Wajaale (SAXILNEWS)_Magaala xuduudeeda kutaala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, oo khilaaf cusubi ka taagan yahay Gudoomiye uu dhawaan u magacaabay Degmadaasi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland

 Cali Maxamed Warancade kadib markii Bulshada Reer Tog-Wajaale ka biyo diideen in Maamulka la magacaabay aanu noqon Karin masuul dhexdhexaad ku hogaamin kara Bulshada Reer Tog-Wajaale.
Khilaafkan ayaa cirka isku shareeray,maalmihii u dambeeyay kadib markii uu dhawaan dalka dib ugu soo laabtey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,Mustafe Cabdi Ciise(shine),oo isagu warbaahinta u laqimey in Maamulka la magacaabay aaney Bulshada Degmada Tog-Wajaale raali ka aheyn islamarkaana, aanu laheyn aqoon iyo waayo aragnimo hogaamineed uu ku wajahan xirfadaha Maamulka D/hoose iyo ka Degmo ahaan labadaba waxaana siweyn looga dareemayaa Gudaha Magaalada Tog-Wajaale guuxa iyo xanshashaqa talaabadan lagaga soo
horjeedo iyadoo dhinaca kalena dadweynaha Reer Tog-Wajaale sheegeen in Gudoomiyaha la magacaabay Cabdi Saleebaan Xasan oo kamid ahaa odoyaasha Reer Tog-Wajaale gaar ahaana Mulkiilaha Huteelka Zaad ee Magaalada Wajaale ay daaha dambe u taagan yihiin Duqey Gudi Hurumarineed ka ahaa Degmada Tog-Wajaale oo farsamo xumo ay ugu dul burbureen Dhismaha jidadka gudaha Magaalada Tog-Wajaale iyagoo gacanta ku hayay Gudoomiyihii hore ee Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo u suurtagaliyay in ay fursad u helaan lacago ay ka qaadan jireen Miisaaniyada D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale gaar ahaana dakhliga kasoo xerooda lacagaha Cashuur sanadeedka ah ee meheradaha iyo dhismayaasha Magaalada laga qaado iyo waliba lacago laga qaadi jirey Gaadiidka rarka keena Magaalada Tog-Wajaale.
Qeybo kamid ah Bulshada Tog-Wajaale ayaa, xiligan siweyn uga biyo diidsan in Wasiirka Warshadaha Shuceyb Maxamed Muuse dabada ka riixayo isbadelka Maamul ee xiligan kajira Degmada Tog-Wajaale taas oo ay u arkaan in faragalintan ay ku lamaan tahey dariiqyo musuqmaasuq maadaama oo hore loogu hayay mushkilado dhaqaale oo lasoo darsey xiligii uu Maayarka ka ahaa Degmada Gabiley iyadoo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabileyna ku eedeeyeen in uu ka tagey lacago deyn fara badan ah oo aan waxba loogu qaban Gobolka iyo Degmada midna.
Ilaa iyo hada lagama warqabo in Xukuumada Dhexe ka warheyso khilaafka culus ee Wakhti xaadirkan ka taagan Degmada Tog-Wajaale iyo inkale maadaama aaney arintan ka hawlgalin Wasiirka Maaliyada Somaliland oo shacabka Reer Tog-Wajaale kalsooni ku qabeen indhawaale kadib markii ay deyrka u sameysay Garoonka Kubada cagta ee Magaalada Tog-Wajaale oo maamuladii hore iyo dadweynuhu isku qabsadeen marar badan kadib markii loo holodey in laga iibiyo Ganacsato damcey in ay halkaa Bakhaaro istoodho ah ka sameystaan.
Gabagabadii Maamulka Cusub ee dhawaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade u magacaabay Magaalada Tog-Wajaale ayaa dadweyne badani ku eedeynayaan in uu kamid yahay shakhsiyaad si khaldan u qaatey dhulkii danta guud ahaa ee Magaalada Tog-Wajaale lamana garanayo sababta uu xiligan ugu ololeystey Maamulka Degmada Tog-Wajaale,iyadoo laga cabsi mudaharaadyo lagaga soo horjeedo oo ka dhaca Degmada Togwajaale.
OFFICE WAJAALE
BERBERA2002@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here