Toban Sano Oo Aan Xuquuqal Iinsaanka Ka Shaqaynayey Maanta Ayaan Ugu Walaac Badanahay”…Garyaqaan Guuleed Dafac

0
21

“Toban Sano Oo Aan Xuquuqal Iinsaanka Ka Shaqaynayey Maanta Ayaan Ugu Walaac Badanahay”…Garyaqaan Guuleed Dafac

Hargeysa(SXN):-Xukuumada somaliland ayaa albaabada iskugu dhuftay qaar ka mid ah hay’addaha warbaahinta ee ka hawl gala dalka.

Image result for guuleed dafac

 

Ciidamada booliska somaliland ayaa xidhay xarumaha ay leeyihiin qaar ka mid ah telefishanada ka hawl gala dalka, kuwaas oo ay sheegeen in amar ka soo baxay xukuumada lagu xidhayo.

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay talaabada ay xukuumadu ku xidhay hay’addahan ka midka ah warbaahinta madaxa banaan ee dalka.

Guuleed Dafac oo ka mid ah sharci yaqaanada u dooda xoriyada ayaa ka hadlay talaabadan ay xukuumadu qaaday isaga oo cadeeyey inuu walaac weyn ka qabo xuquuqda talaabooyinka ay xukuumadu qaadayso.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi “Dalna laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir, ” SOLJA. Completely true. Sababta garsoorku u jiraa waa “u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda,” sida ku cad qodobka 97 ee dastuurka Somaliland. Hadii dawladdu wax ku haysato warbaahinta waxaay ahayd inay garsoorka aado, balse inay ciidankeeda u dirto oo albaabada u laabto waa qayral dastuuri, waa dhaqan halis ah. Waa caado xun. Waa walaac hor leh.Toban sanadood ku dhowaad oo aan xuquuqal insaanka ka shaqaynayay maanta ayaan ugu walaac badanahay. Dhiiranaanta iyo kakanaanta ay dawladdu wadaa maahaa mid aan hore u arkay. Ta Allay tegi doontaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here