Hargeysa(Saxilnews.com)Tirada Dadka Loo Xidhay Iyo Kuwa Ku Dhintay Rabshadihii Itoobiya Ka Dhacay Oo La Shaaciyey
Booliska deegaanka Oromada ayaa sheegay rabshadihi toddobaadki hore ka dhacay dalka Itoobiya oo ay dada badan ku dhinteen dadki ku lug lahaa oo gaaraya 359 qof in xabsiga loo taxaabay.
|
Taliyaha Booliska Oromada Jeneraal Kafyalew Teferra oo BBC u warramay wuxuu sheegay xaaladda deegaanka Oromada oo ay rabshadaha ugu badan ee dalka Itoobiya ay ka dhaceen inuu hadda xasiloon yahay.
Wuxuuna Jeneral Tafari uu sheegay inta ay rabshaduhu socdeen in kaniisado iyo masaajidba dhibaata loo geystay oo qaarkood la gubay.
Taliyaha Booliska wuxuu intaasi ku daray 80% (54 qof) dadka rabshadahaasi ku dhintay ay ahaayeen kuwa ku dhintay gacan qaad ka dhex dhacay kooxa iska soo horjeeda oo mudaharaadyo dhigayey.
Hase yeeshee, rabshadaha si siyaasadeysan ku billawday marki dambana qaab diimeed iisu beddelay lama dhihi karo “koox hebla waxaa saa gaaray iyo koox hebla intaasa ka dhimatay, balse rabshaduhu markay diin iisu beddeleen labada diimood ee Kirishtanka iyo Muslimkaba ay dad ka dhinteen” ayuu yidhi.
Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay Taliyaha Booliska degaanka Oromada ayaa sheegay dadka rabshadaha dalka Itoobiya ku dhintay inay tiradoodu gaadhay 67.
Taliyaha booliska Oromada Kafyalew Tefera wuxuu sheegay goobaha ay rabshadaha ka dhaceen ee ku yaalla deegaanka Oromada iyo magaalooyinka Diridhaba iyo Harar waxaa ku dhintay 62 qof oo rayad ah iyo 5 askari o boolis ah.
Adaama
Dr Dasalegn Fiqaadu waa dhakhtar takhasuskiis
Taliyaha oo ka hadlayey rabshadaha dhawaan ka dhacay qayb ka mid ah ee deegaanka Oromada inuu booliska uu ka gaabiyey inuu wax ka qabto iyada oo sida oo kalana lagu eedeeyo rabshadaha iney dhexdhexaad ka ahaayeen wuxuu yiri: “Booliska deegaanka Oromada si uu rabshadaha uu uga hortago ilaa iyo naf ayuu u huray” isaga oo tilmaamay dadaalka ay booliska u galeen xakameynta rabshadahaasi.
Hase yeeshaee, dadka mudaharaadyada isugu soo baxay oo aad u badnaa meelaha qaar waxay ka awood bateen askarti rabshadaha iney ka hortagaan loo howl geliyey.