Tirada Dadka Dadka Mareykanka Madow Ah Ee Uu Dilay Coronavirus Oo Kor Ukacay .

0
12

Tirokoob ay soo saareen saraakiisha caafimaadka ee magaalada Chicago ayaa hoosta looga xarriiqay sare u kaca dhimashada dadka Mareykanka madow ah ee uu dilay coronavirus.

Madowga reer Chicago ah waxay kala bar ka yihiin tirada kiisaska coronavirus, halka dhimashadana ay ka yihiin 70%, iyagoo xitaa looga tiro badan yahay halkaas oo shacabka guud ka ah 30%.

Magaalooyinka kale ee ay ku nool yihiin dadka madow ee faraha badan sida; Detroit, Milwaukee, New Orleans iyo New York ayaa saldhig u noqday cudurka coronavirus.

Mareykanka ayaa laga soo tabiyay ku dhawaad 370,000 oo kiis iyo dhimasho gaareysa 11,000.

Caalamka oo dhan waxaa laga soo tabiyay 75,000 oo dhimasho iyo isku darka kiisas ka badan 1.3 milyan.

Maxay muujinayaan tirakoobyada Chicago?

Isbitaal qaada 3,000-sariir ayaa laga dhisayaa magaalada Chicago
Markii ay taariikhdu ahayd 5 April, ilaa 1,824 qof oo madow ah ayaa ka mid ahaa kiisaska cudurka Covid-19 ee tiradoodu tahay 4,680 ee laga xaqiijiyay magaalada Chicago, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen maalintii Isniinta.

Tiradaas waxay aad uga badan tahay maerka lala barbar dhigo dadka caddaanka ah ee cudurka laga helay oo ah 874, kuwa asalkoodu Hispanic-ga yahay oo ah 478 iyo kuwa Aasiya kasoo jeeda oo ah 126.

Magaalada Chicago dadka ku dhintay waa 98, ilaa maalintii Axadda, kuwaasoo 72% ka mid ah ay yihiin bulshada madowga ah.

Tiradan waxay la mid tahay marka la eego guud ahaan gobolka Illinois, oo dadka madow ee cudurka u dhintay ay yihiin 41%, iyagoo tirada shacabka gobolkaasna ka ah 14% oo kaliya.

‘Burburin’
Madaxa adeegga caafimaadka dadweynaha ee Chicago, Dr Allison Arwady ayaa war fidiyeenka u sheegay in dadka madow ee magaalada daggan uu horayba cimriga noloshooda celcelis ahaan 8.8 sano uga hooseeyay dadka caddaanka ah.

Haweeneyda Duqa magaalada ka ah, Lori Lightfoot, ayaa sheegtay in coronavirus uu “burburinayo bulshada madowga ah”.

Mayor Lightfoot ayaa sidoo kale xoojisay suurtagalnimada in meelo badan oo ka tirsan magaalada lagu soo rogo bandow, sida uu tabiyay wargeyska Sun-Times.

Inkastoo coronavirus lagu tilmaamay cudur “ay dadkoo dhan u wada siman yihiin”, xog la aruuriyay ayaa qeexeysa inuu u kala daran yahay deegaannada.

A view of Millennium Park, ChicagoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMillennium Park, oo ku yaalla magaalada Chicago waa meesha dalxiiska ugu badan lagu tagi jiray ee gobolka Illinois, haddana waa cidlo

Gobolka Michigan, Afrikaanka Mareykanka ah waxay tirada shacabka ka yihiin 14%, laakiin waxay kiisaska coronavirus ka yihiin 33%, halka dhimashadana ay ka yihiin 41%, sida lagu muujiyay tirakoobkii ay dowladda soo saartay maalintii Isniinta.

Dadka caddaanka ah ee gobolka Michigan ayaa kiisaska ka ah 23%, iyagoo dhimashadana ka ah 28%, sida ay xogtu muujisay.

Magaalada Detroit, ee gobolka Michigan, shacabkeeda 80% waa madow, iyada iyo nawaaxigeedana waxay kiisaska coronavirus ka yihiin 80%.

Dad u nugul cudurka Covid-19

Kala duwanaan noocan oo kale ah ayaa laga soo tabiyay magaalada Milwaukee, ee gobolka Wisconsin, taasoo ka mid ah magaalooyinka kala qeybsanaanta ugu badan ee shacabka ay ka jiraan ee guud ahaan dalka Mareykanka.

Mareykanka madow waxay tiro ahaan ku dhawaad kala bar ka yihiin kiisaska cudurka ee laga helay ismaamul goboleedka Milwaukee, iyagoo ilaa maalintii Jimcada tirada dhimashada ee 27-ka ah ka ahaa 81%, inkastoo tirada dadka madow ee gobolkaas ay yihiin 26%, sida ku xusan daraasad uu daabacay wargeyska ProPublica.

Qiyaastii 40% ka mid ah dhimashada coronavirus ee gobolka Louisiana waxay ka dhacday magaalada New Orleans iyo nawaaxigeeda, halkaasoo ay dadka daggan ugu badan yihiin madowga.

Saraakiisha caafimaadka ee deegaannadaas waxay horay u sheegeen in dadka madowga ah ay saameynta ugu badan ku leeyihiin xanuunnada ka dhasha cayilka, sokorowga iyo kuwo kale, sidaas awgeedna ay yihiin dad u nugul cudurka Covid-19.

A woman outside a hospital

Xigasho BBC-Somali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here