Tirada ciidammada AMISOM oo laga digay in la dhimo

0
20
dowladda Uganda ayaa ciidamada ugu badan ku deeqdayLahaanshaha sawirkaAFP

Wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarkii Qaramada Midoobay ee amarka ku bixinaya in la dhimo tirada ciidamada Amisom ay tahay arrintaasi mid aan suuragal ahayn.

Wakiilo ka kala socda 5 dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Kampala.

Waxa ay ugu baaqeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay dib uga fikiraan go’aanka ah in la dhimo tirada ciidamada AMISOM ee kus ugan Soomaaliya.

Go’aanka shirkani ayaa waxa uu yahay in qorshaha golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay ee ah in tirada ciidamada AMISOM la dhimo ay tahay mid xasiloni daro u horseedi kara dalkaasi.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku wadamada ku raacay qiimayntooda waxa uuna deeq bixiyayaasha ugu baaqay in ay sii wadaan dhaqaalaha ay siiyaan AMISOM si ay ugu suuragasho in ay Al-Shabab la dagaalamaan.

Sida ku cad qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la isku raacay bishii August tirada ciidamada AMISOM ayaa la dhimay kun askari bishii December ee sanadii aanu soo dhaafnay.

Tira intaasi la eg ayaa sidoo kale lagu wadaa in la dhimo bisha October ee sanadkan.

Wadamada dhaqaalaha siiya howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay rumaysan yihiin in la joogo waqtigii ay Soomaaliya bilaabi lahayd in ay la wareegto howlahaha ammaanka.

Waxaa sidoo kale shaki laga muujiyay waxtarka AMISOM ka dib eedeymo musuq iyo guulo qaar oo ay gaareen Al-Shabab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here