“Telefishanka Al Jazeera Cidna Kama Wada Hadali Karno …” Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Qadar

0
19

Doha (Saxilnews):- Dawlada Qatar ayaa waxaa ay bilowdey dedaalo ay ku dooneyso in xal looguhelo xayiraada ay ku soo rogeen qaar ka mid ah dalalka khaliijku.

 

Wasiirka arimaha dibada dalka Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani oo booqasho ku tagay dalka faransiiska ayaa kulamo la leh qaar ka mid ah madaxda midowga Yurub

 

Wasiirka ayaa sheegay in Qatar ay diyaar u tahay inay xal u hesho khilaafka balse aanay diyaar u aheyn inay wax gorgortan ah ka gasho siyaasada arimaha dibada iyo arimaha gaarka u ah iyada waxaana uu yidhi

” Siyaasada arimaha dibada waa mid aanu u  madax banaanahay isla markaana aan ku saleyno  waxaan u aragno wanaaga iyo wadada saxan arimaha gudaha Qatarna waa kuwo aan u madax banaanahay anugu , sida telefishanka Al Jazeera marnaba arintaas cid gor gortan kalama  galeyno ” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha dalka Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here