Tartanka Abaalmarinta Goolhayaha Ugu Fiican La Liga Oo Lagu Kala Baxay – Kumaa Haray Courtois, Jan Oblak Iyo Ter Stegen?

0
34

Abaal-marinta Zamora ee goolhayaha ugu wanaagsan horyaalka waddanka Spain ayaa u muuqata in si buuxda loogu kala adkaaday, waxaana loollanka ka baxay goolhaye Jan Oblak, kaddib markii ay Barcelona laba gool ka dhalisay Salaasadii.

Oblak oo shan jeer ku guuleystay Zamora, ayaa sababsaday lugta Lionel Messi iyo saaxiibkiisa Diego Costa oo kubbad kasoo dhex-baxday labadiisa lugood ay uu shabaqiisa ku leexiyey.

Oblak ayaa rajada uu ka qabo inuu qabaal-marintan helo ay dhiman doontaa haddii uu Thibaut Courtois uu goolkiisa ka ilaaliyo inay kubbadi gasho kulanka ay Getafe kula ballansan yihiin, kaas oo sidoo kale ay Los Blancos hoggaanka kusii dheeraysan karto haddii ay guul hesho.

Goolhayaha reer Slovenia ayaa xili ciyaareedkan alga dhaliyey 25 gool oo horyaalka LaLiga ah 33 ciyaarood oo uu saftay, waxaana celceliska goolasha laga dhaliyey ciyaar kasta ay yihiin 0.75, taas oo ah mid u diidaysa inuu tartanka kusii jiro.

Thibaut Courtois oo 29 ciyaarood u saftay Real Madrid ayaa murashaxa abaal-marintan, waxaana kaliya laga dhaliyey 18 gool 29 ciyaarood oo uu saftay.

Inkasta oo afar ciyaarood uu Jan Oblak dheer yahay Courtois, haddana waxa uu goolhayaha reer Belgium buuxiyey shuruudda ah in 29 ciyaarood uu ugu yaraan safto goolhayaha u tartamaya abaal-marinta, kaddibna uu ahaado midka goolashii ugu yaraa laga dhaliyey.

Celceliska tirada goolasha ee kulan kasta laga dhaliyey Thibaut Courtois ayaa ah 0.62.

Goolhayaha Barcelona ee Ter Stegen ayaa waqti hore ka baxay tartanka oo u ogolaaday in Oblak iyo Courtois ay isku baacsadaan, maadaa abarcelona ay noqotay naadi xagga dambe furan yahay oo goolal tiro badan laga dhaliyey fasal ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here