Talyaaniga oo gebi ahaanba bandow la geliyay

0
20
TalyaanigaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionWadooyinka Talyaaniga oo maran

Dhammaan dadka ku nool Talyaaniga ayaa loo sheegay inay guryahooda ku nagaadaan xilli uu si ba’an u faafayo caabuqa Corona ee dadka badan ku laayay dalkaasi.

Waqooyiga Talyaaniga ayaa bandowga markii hore lagu soo rogay, hase yeeshee maadaama ay sii badanayaan dadka u dhimanaya xanuunka ayaa ra’iisal wasaare Giuseppe Conte waxa uu sheegay in loo baahan yahay “tallaabooyin adag” si wax looga qabto faafidda cudurka.

Dadweynaha ayaa laga mamnuucay inay isugu tagaan fagaarayaasha, halka goobaha waxbarashadana la xiray ilaa 3-da bisha dambe.

Mas’uuliyiin shaqada looga eryay cudurka Corona awgii

Cudurka corona oo saameeyay dhaqaalaha Shiinaha

Dhakhtarkii “halyeyga ahaa” oo u dhintay cudurkii dartiis loogu hanjabay

Waxaa sidoo kale hakad la geliyay dhammaan ciyaaraha kala duwan ee dalkaasi.

Keliya dadka aan ka fursan karin inay dibedda u soo baxaan ayaa loo oggol yahay inay socdaalaan.

Mr Conte ayaa ku tilmaamay xanuunkan saf-marka ah mid “xilli mugdi ah” u horseeday dalkaasi, balse waxa uu tilmaamay inay ka guulaysan doonaan.

Muxuu ka dhigan yahay bandowgan?

  • Socodka dadka ayaa la xakameeyay, waxaana loo oggol yahay oo keliya dadka aan ka fursan karin inay dibedda u baxaan.
  • Maqaayadaha iyo goobaha laga cunteeyo ayaa furnaan kara 08:00 ilaa 18:00, balse waxaa qasab ah in masaafo hal mitir dhan ay isu jiraan dadka macaamiisha ah.
  • Dukaamaha ayaa sido kale looga baahan yahay in macaamiishooda ay kala fog yihiin ugu yaraan hal mitir.
  • Shaneemooyinka, tiyaatarrada iyo madxafyada ayaa dhammaan lagu amray in la xiro.
  • Dhammaan ciyaaraha kala duwan sida kubadda cagta ayaa la hakiyay.
  • Iskuullada iyo jaamacadaha ayaa xirnaan doona ilaa 3-da April.
  • Dhammaan isu soo baxyada dadka ayaa la mamnuucay sida arooryada, aaska iyo weliba kulamada diinta.

Khariidadda Caabuqa Corona: sida uu ugu faafay caalamka 16 Bisha Saddexaad 2020

Xogtan si joogto ah ayaa wixii kusoo kordha loogu baddalaa laakiin waxaa laga yaabaa inaan lagu sheegin hadba halka ay mareyso isku darka tirada dal walba.

Tirada guud ee la xaqiijiyay Tirada guud ee dhimashada
169,432 6,513
Kiisaska Dhimashada
China 81,020 3,217
Italy 24,747 1,809
Iran 13,938 724
Kuuriyada Koonfureed 8,162 75
Spain 7,844 292
Germany 5,813 13
France 5,431 127
Team USA 3,769 69
Switzerland 2,200 14
Kooxda GB 1,391 35
Norway 1,256 3
Netherlands 1,136 20
Sweden 1,032 3
Belgium 886 4
Denmark 864 2
Austria 860 1
Japan 839 22
Markabka Diamond Princess 696 7
Malaysia 428
Qatar 401
Canada 339 1
Greece 331 4
Australia 297 3
Jamhuuriyadda Czech 293
Israel 251
Portugal 245
Finland 244
Singapore 226
Slovenia 219 1
Bahrain 214
Brazil 200
Iceland 180
Estonia 171
Philippines 140 12
Romaniya 139
Ireland 129 2
Masar 126 2
Poland 125 3
Iraq 124 10
Saudiyya 118
Indonesia 117 5
Thailand 114 1
India 113 2
Kuwait 112
San Marino 109 7
Lebanon 99 3
United Arab Emirates 98
Luxembourg 77 1
Chile 75
Peru 71
Russian Federation 63
Slovakia 61
Koonfur Africa 61
Chinese Taipei 59 1
Vietnam 56
Pakistan 53
Bulgaria 51 2
Serbia 50
Brunei Darussalam 50
Croatia 49
Algeria 48 4
Argentina 46 2
Panama 43 1
Mexico 43
Albania 42 1
Daanta Galbeed 39
Ecuador 37 2
Costa Rica 35
Colombia 34
Georgia 33
Qubrus 33
Hungary 32 1
Latvia 30
Morocco 28 1
Belarus 27
Armenia 26
Senegal 24
Bosnia and Herzegovina 24
Moldova 23
Azerbaijan 23 1
Cumaan 22
Malta 21
Tunisia 20
Turkey 18
Sri Lanka 18
Venezuela 17
Afghanistan 16
Waqooyiga Macedonia 14
Maldives 13
Lithuania 12
Jordan 12
Faroe Islands 11
Dominican Republic 11
Jamaica 10
Bolivia 10
Martinique 10
Kazakhstan 9
New Zealand 8
Burkina Faso 7
Cambodia 7
Paraguay 7
French Guiana 7
Tsibirin Reunion 7
Ghana 6
Rwanda 5
Bangladesh 5
Puerto Rico 5
Jersey 5
Guyana 4 1
Ethiopia 4
Cameroon 4
Liechtenstein 4
Uruguay 4
Cuba 4
Honduras 3
Kenya 3
French Polynesia 3
Guam 3
Ukraine 3 1
Guadeloupe 3
Seychelles 3
Saint Martin (Qaybta Faransiiska) 2
Andorra 2
Trinidad and Tobago 2
Saint Lucia 2
Nigeria 2
Namibia 2
DR Congo 2
Monaco 2
Aruba 2
Guernsey 1
Nepal 1
Jasiiradaha Cayman 1
Suriname 1
Sudan 1 1
Congo 1
Gibraltar 1
Swaziland 1
Guinea 1
Togo 1
Equatorial Guinea 1
Gabon 1
Côte d’Ivoire 1
Central African Republic 1
Bhutan 1
Mongolia 1
Mauritania 1
Saint Barthélemy 1
Uzbekistan 1
Vatican 1
St Vincent and the Grenadines 1
Antigua and Barbuda 1
Bahamas 1
Guatemala 1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here