TALIYIHII QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA SAAXIL GAASHANLE.CABDI CALI XAYD IYO KUXIGEENKISII OO XILKII LAGA QAADEY,KADIB MARKII AY UDHEGO NUGLAAN WAYEEN AMARADII QEYRUL SHARCIGA AHAA EE WASIIR CALI GADHEER

0
21

Berbera (SAXILNEWS.COM) Taliyihii Qaybtaha Booliiska Gobolka Saaxil Gashanle Cabdi cali Xayd iyo Taliye kuxigeenkiisi Captain Jamac jagaga ,Ayaa manta Xilkii laga qaadaya ,

halka Taliyaha Qaybta Booliiska Gashanle Cabdi Cali Xayd loo bedelay Taliyaha Qaybta Bari Hargaisa , sidoo kalena Taliye kuxigeenkiisii suuqa lagu sii daayey

taliyaha booliiska berbera

Sidoo kale Waxaa Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil loo soo Magacaabey Gashaanle Mahad Shaqale Cumar oo ahaa Taliyihii qaybta Gobolka Gabiley, halka kuxigeenka qaybta losoo magacaabey Kabtan Dalab Xandule oo laga soo badaley Gobolka Togdheer
Hadaba Xilka qaadistan  iyo bedalkan lagu sameeyey Madaxda Booliiska Gobolka saaxil ayaa ku soo beegmaysa,wakhti ay Berbera ka tagan tahay xiisada ka dhalatay Wareejinta Hamaha Berbera, oo ah qadiyada ugu culus ee loo aneynayo Bedalka Masuliyiinta.

waxaana Xogaha na soo gaadhayaa Sheegayaan in Xilka qaadistani uu dalbadey Wasiirku xigeenka Xanaanada Xoolaha ahna wakiilka Dawlada u qaabilsan Gobolka Saaxil oo  ka cadhooday Wado shaqeynta Madaxda booliiska, kadib markii ay ka qaadan waayeen Amaradii khaldanaa ee uu farayey in la soo xidho dad aan wax dambi ah galin.

sidoo kale waxa xogu intaasi ku darayaan in Masuuliyiintan la bedaley ay ka dhago adeygeen qabashada Dabley ka cadhootey Wareejinta haamaha Shidaalka Berbera oo Buuraha galey,kuwaas oo Todobaadkan Dowladu lacago ku soo xero galisay, iyagoo u balan qaadey in Xukumadu ka noqotay Wareejinta haamaha.

balse Bedalka Sarakiishan Booliiska ah ayaa waxay u eegtay inay Xukumadu usoo Xadhko xidhatey in Xoog ku Wareejiso Haamaha Shidaalka oo shabacka reer berbera si wayn ay uga biyo dideen , sida ka muuqata Bedalka labada sarkaal ee Booliiska ah oo Loo adeegsadey inay ku milmeen Bulshada Berbera,sidaasi daradeed loo baahan yahay Sarakiil Sharciga u baalmara Xukumada,islamarkaana u dhago nugul amarada la farayo,sidoo kalena khabiir  ku ah tacadiya iyo Cabudhinta Xuquuqda Muwadiniinta, kuwaas oo si bilaa sharciya dadka xabsiyada u dhigaya cidii ka hortimaada in Haamaha Shidaalka Berbera lagu Wareejiyo Shirkado Macaash doon ah

Taliyaha Qaybta Booliska Cusub Gashaanle Mahad shaqale Cumar oo ay isku Jufo yihiin Wasiirkuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi(Cali gadheer)ayaa loo soo xuley in dadka reer berbera lagu Cabudhiyo, balse waxa laga dhursugayaa Taliye Mahad sida uu waajaho Carqaladaha iyo Amarada qaldan ee  galaaftey Masuliyiintii hore ee xilka laga qaadey, waxaanu xilka la wareegi doonaa,horaanta todobaadkan.

 

berbera2002@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here