Muqdisho (Saxilnews.com)-Taliyaha ku meel gaarka ah ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA), Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, ayaa ku guuleystay doorashada kursiga xildhibaanka uu u tartamayay.
Kursigan oo tirsigiisu yahay HOB#67 ayaa ahaa mid uu ka taagnaa muran, cabasho xoog lehna ay kasoo gudbiyeen musharraxiintii kale ee kula loollamayay.
Yaasiin oo goor sii horreysay lagu baddalay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa hadda ka mid noqonaya xildhibaannada cusub ee Golaha Shacabka.
Doodda ku saabsan musharraxnimadiisa Golaha Shacabka ayaa soo ifbaxday kaddib markii ay guddiga doorashada ay waqradaha aqoonsiga diiwaangelinta guddoonsiiyeen Yaasiin Fareey, arrintaas oo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada.
Musharraxiinta u taagnaa kursigaas oo war saxaafadeedka soo saaray iyo siyaasiyiin kaleba waxay si gaar ah caro uga muujiyeen go’aankaas, iyagoo sheegay in xeerka la isku ogyahay uu ahaa mid dhigaya in sarkaal xil haya aan loo oggonaalin doorashada ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor waqtigaas.
Hase yeeshee Guddiga doorashada ayaa sheegay in qodobkaas ay ku saxan yihiin, habraacuna uusan cidna ka reebeynin doorashada.
“Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii wadatashiga qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xaddidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya – ama xil dowladeed ama xil ciidan – inuu iska soo casilo kursiga uu hayo.
“Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isasoo casilaan 7 maalmood ka hor,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada ee guud.
BBC SOMALI