Taliyaha Laanta Danbi Baadhista (CID) Berbera oo  xidhay Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Gobol Saaxil.

0
17

Taliyaha Laanta Danbi Baadhista (CID) Berbera oo  xidhay Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Gobol Saaxil. Taliyaha CID Berbera Ibraahim Dhagasayn ayaa manta si sharci darro ah u xidhay Isuduwaha Warfaafinta Gobolka Saaxil Ahna wariyaha Tvga Qaranka Berbera Cabdisalaan Xariir Sh.Cismaan oo hada kujira saldhiga dhexe Ee Berbera . Xadhigan ayaa ka danbeeyey kadib markii wariye Cabdisalaan isku dayey inuu xaliyo khilaaf dad sharci darro lagu soo xidhay oo ay waliba saldhiga dhexdiisa ugu hanjbaayeen dad shicib ah oo dhisanayaa dhulkii ay lahaayeen . Taliyaha Laanta Baadhista Berbera oo magaalada Berbera ka shaqaynayey mudo ka badan 25 sanadood ayaa waxaa kamid yahay taliyayaasha ku mamay laalusha laga qaato hubka koontara baanka ah iyo sidoo kale khamriga soo galla magaalada waxaanu laalush xad dhaaf ah ku bixiyaa sidii aan magaalada Berbera looga bedelin sidaasi waxaa noo sheegay Sarkaal ay mudo wadashqaynayeen oo ka gaabsaday inaanu magiciisha sheegin. Taliyaha Laanta Danbi baadhista ee Maagalada Bebera ayaa dhibaato wayn ku haya dadka reer Berbera oo iskgu jira cadaalad daro wanjalad been abuur iyo kharbudaad maanta oo udanbaysay waxa xabsiga loogu hanjabayay maxaabiisku xidhan saldhiga dhexe oo ay u hanjabayee rag ay isaga isku reeryihiin oo ay raga xidh xidhan dhul isku hayeen taliyaha laanta dambibaadhistu war aan laxaqiijin oo aydadku isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in uu taliye dhegasayn uu la xidhanyahay ama la shaqeeyo dadka keena mandooriyaha khamriga xashiishada iyo hubka kootra banka ah oo ay inta badan ay dadka Yemen kasoo qaxday ka soo dejiyaan xeebaha gobolka Saaxil nin askariya oo codsaday inan magaciisa la sheegin ayaa yidhi Taliye Dhagosayn dad uu soo xidho mid waa uu ku casheeye midna waa uu ku qadeeya midna ku quraacda halka uu laalush iyo lacag qaadasho ka gaadhay awgeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here