Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Oo Fariin U Diray Shacabka Somaliland + Amar Adag Oo Uu Bixiyay Iyo Nuxurka Baaqa

0
15

Hargeysa(Saxilnews) Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ugu baaqay dhamaanba shacabka somaliland in ay inta lagu jiro sanad-guuradda xuska dabaal-daga gooni-isutaaga qaranimadda somaliland ay muwaadiniintu ciidanka booliska kala shaqeeyaan adkaynta iyo ilaalinta nabad-galyadda somaliland waxaanu ku booriyay shacabka dalka in qof walba xil gaari ka saaran yahay waddankiisa hooyo.

Taliye Fadal ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in guri walba ogaado guriga uu la jaarka yahay dhaqdhaqaaqa ka jira.waxaanu amaray Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan dhamaanba ciidan booliska somaliland meelkasta oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan shacabkooda.

Taliye Fadal ayaa sheegay in somaliland halkaasi ku soo gaadhay wadda jir iskaashi iyo ilaalinta adkaynta amniga.

Waxaanu u mahad naqay guud ahaan shacabka somaliland oo uu tilmaamay ummadd markasta heegan ugu jirta siddii ay ula shaqayn lahayd ciidanka boolika somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here