Laascaanood (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku awood u leeyahay inuu magaalada Laascaanod ka saaro kooxaha isa-soo-uruursaday, balse bulshada u tudhayaan.
Taliye Nuux oo shalay warbaahinta Qaranka kula hadlay magaalada Laascaanod ayaa faahfaahin ka bixiyey xaalada guud ee maalmahii ugu dambeeyey, iyadoo Ciidanka Qaranku fulinayo go’aankii xabad-joojinta ee hore xukuumadu ugu dhawaaqday.
“Ciidanka Qaranku marwalba waxuu fuliyaa awaamiirta xukuumada, waxaanan halkan u joognaa xabad-joojintii xukuumada. Ciidanka qaranku awood wuu u leeyahay inuu magaalada ka saaro kuwa isku soo uruursaday ee Puntland, kuwa argagxisada Al Shabaab ee ku soo duulay, laakiin dadka shicibka ah ayaan u tudhaynaa.”
Taliye Nuux oo ka hadlayey xaalada maagalada Laascaanood ee maalmahii u dambeeyey ayaa sheegay inay xasiloonayd, waxa dagaal ahna ka dhicin, waxaanu yidhi,
“Dagaalkii u dambeeyey muddo sideed maalmood ka hor ayuu Galbeedka ka dhacay, mudadii ka dambaysay, ama shantii maalmood ee u dambaysay magaaladu waa nabad.”
“Ciidamada Somaliland awood ay ku daafacaan way leeyahiin, waana waajibaadka ay Qaranka ugu xilsaaran yihiin, xoogeeda iyo awoodeeda manta waanu leenahay, meel kasta ha la iska soo uruursado Boosaaso, Gaalkacayo, Garoowe, Qardho, Badhan, Dhahar, laakiin, Ciidanka Qaranku wuu taagan yahay xeryahooda ayey ku sugan yihiin, waanay ku filan yihiin.
Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan Qaranka iyo bulshada Somaliland taageerada ay la garab taagan yihiin, isagoo yidhi,
“Qaranka iyo shacabka Somaliland waanu uuga mahadcelinaynaa taageerada ay ciidamadooda la garab taagan yihiin, gobolada dalka oo dhan
Taliye Nuux ayaa warar aan jirin oo been abuur ah ku tilmaamay wararka qolyaha huwanta ee dagaalka ka wada Laascaanod ku faafiyaan baraha bulshada, waxaanu yidhi,
“Wararka waxba kama jiraan wararka la faafiyey, indhahiina ayaad ku soo aragteen in ciidanku joogo meel walba. Waxaanu warbaahinta gudaha Somaliland ugu baaqay inay u jawaabaan kuwa beenta faafiya.’
Taliye Nuux oo fariin u diray dadweynaha Gobolka Sool ayaa ugu baaqay inay magaaladooda ku soo noqdaan, waxaanu yidhi,
“Bulshada Laascaanood waxaan leeyahay barwaaaqadii la idiin sheegayey ma jirto, xaaladaha adag ee aad ku sugan tihiin waanu ognahay, magaaldiina iyo dadkiina ku soo noqda walaalahayaga ayaad tihiin waa la idin marin-habaabiyey,.