Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Laba Weerar Oo Lagu Dhaawacay Laba Masuul Oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani Iyo Waxa Ay Ku Micneeyeen.

0
24

Hargeysa(Saxilnews):-Taliska Ciidanka booliska somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si wada jira uga hadlay weeraro budhcad hubaysani todobaad gudahood waxyeelo ugu gaysteen labada siyaasi oo ka tirsan xisbiga WADDANI isla markaana kala ah xoghayaha cadaaladda xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun iyo gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme”.

Afhayeenka guud ee ciidamada booliska somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis oo arrinkan ka hadlay ayaa sheegay in labadan siyaasi markii  weerarada loo gaystay ay yimaadeen saldhiga booliska isla markaana ay u sheegeen ciidanka sidii loosoo weeraray iyo waxyeelada ay qabaan,waxaana uu Faysal Xiis sheegay in arrinkaas ay baadhitaan xoog leh ku hayaan ciidamada booliska isla markaana ay ku daba jiraan soo qabashada dadkii falalkaasi xun xun ku kacay ee soo weeraray labadan masuul.

Afhayeenka ciidanka booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo ugu horeyn ka hadlay falkii waxyeelada loogu gaystay haldoor Barkhad Jaamac Batuun oo ah xoghayaha cadaalada xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Sidaad warbaahinta ka aragteen taariikhdu markay ahayd 19 bishan aynu ku guda jirno saacaduna ay ahayd 11 habeenimo waxa saldhiga dhexe ee booliska yimi Barkhad Jaamac Batuun oo ah xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI,Barkhad waxa uu soo sheegay in laba qof ay dhaawacyo u gaysteen ugana gaysteen wajiga,kadib markii sida uu isagu sheegay ay dhagaxaan wajiga kala dhaceen,labadaa nin ee dilay muu sheegin Barkhad,waxaana uu booliska u sheegay inaanu garanayn tilmaami karayn kuwa ay ahaayeen,booliskuna waxay siiyeen xaashida dhaawac muujinta si dhaawaca gaadhay loosoo ogaado inta uu leeg yahay,boolisku waxay tageen markiiba goobtii uu sheegay in lagu dilay si ay xog dheeraad ah uga soo haleen sida uu falkani u dhacay”Sidaas ayuu yidhi Gaashaanle Sare Faysal Xiis.

Dhanka kale Afhayeenka booliska somaliland oo ka haday falkii xalay lagu waxyeeleeyey gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme” ayaa waxa uu yidhi

“Maxamed Sidiiq Cabdilaahi oo loo yaqaano “Dhamme” waxa uu sheegay xalay oo bishu ahayd 22 goor ay saacadu ahayd 12:30 (Laba iyo tobankii iyo badhkii) waxa uu tagay saldhiga booliska ee degmada Gacan-libaax,dhibane Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah gudoomiyaha dhalinyarada WADDANI waxa uu sheegay in isaga oo baabuurkiisi wata oo maraya geerash Aw-cali agtiisa in afar nin oo aanu garanayn aqoona u lahayn ay halkaasi ku joojiyeen kadibna ay dhaawacyo u gaysteen gacanta midigta waxa kale uu sheegya in gaadhigii uu watayna ay jajabiyeen oo khasaare kazoo gaadhsiiyeen lagana jajabiyay muraayadaha,boolisku markiiba waxay siiyeen xaashida dhaawac muujinta waxaana ay u direen cusbitaalka si loo ogaado dhaawaca gaadhay inta uu leeg yahay  marka laysku daro labada dhibane ee Barkhad iyo Maxamed labaduba mar qudha may sheegin oo may odhan ciddaas ayaa I dishay”sidaas ayuu yidhi Faysal Xiis.

Gaashaanle sare Faysal Xiis waxa uu ka dhawaajiyay in ciidamada boolisku ay arrinkaasi baadhitaan adag kaga jiraan soo qabashada dadkaa falkaa gaystay,ayna tageen goobihii lagu soo weeraray masuuliyiintan si ay xogo dheeraada u helaan waxii kazoo baxana ay dib kazoo sheegi doonaan waxaana uu yidhi

“Boolisku arrinkaasi si mug leh ayuu u baadhayaa gobtii danbigu ka dhacayna waa la tagay si loo ogaado xogtaa ay sheegeen xog ka badan labada dhibaneba kiiskooda si adag ayaa loo baadhayaa waxii kazoo baxana dib ayaan idinka soo sheegi doonaa hadii alle yidhaahdo,booliskuna way ku daba jiraan ragii falkaa gaystay waxaanan ku rajo waynahay inaan soo qabano waxaanan gayn doonaa maxkamada iyo xeer ilaalin shaqada ku leh”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay afhayeenka booliska somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis.

Gabagabadiina laba habeen ayaa u dhaxaysay kadib markii ay budhcad hubaysan oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsani ay weeraro kala duwan kusoo qaadeen labada masuul oo ka tirsan xisbiga WADDANI isla markaana kala ah xoghayaha cadaalada xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun iyo gudoomiyaha garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme” dhaawacyo kala duwana loo gaystay,waxaana ay tani tahay dhaqan ku cusub somaliland isla markaana hadii aan wax laga qaban horseedi doonta amni darro.

Xigasho Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here