Taliska Booliska Oo Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex Ka Saxeexay Inaan MAG La Iska Waydiin Dhallinyarada Rabshadaha Ka Sameeya Caasimadda

0
28

Hargaysa (Saxilnews)-Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha gudaha iyo ciidamada booliska iyo Cuqaasha gobolka Maroodi-jeex, oo ka wada hadlay sida ugu haboon ee wax looga qaban karo dhibaatada amni daro ee dhallinyarada kooxaha ahi ku hayaan Caasimadda Hargeysa, ayaa isla gartay in aan waxba la iska waydiinin wiilka ku waxyeelooba hawl-gallada ciidamada ammaanka.

Cuqaasha gobolka Maroodi-jeex oo shalay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kulan kula yeeshay Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Cismaan Garaad Soofe, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) iyo Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa soo jeediyay inaan dawladda laga qaadin Magta ninka dhallinyarada ah eek u dhinta hawlgallada ciidamada booliska, waxaana go’aankaasi u riyaaqay masuuliyiinta booliska iyo xukuumadda ee halkaasi joogay.Cuqaasha oo intii kulankaasi socday halkaasi ka jeediyay hadallo u badnaa tallo soo jeedin ayaa sheegay in dhibaatada ay dhallinyarada kooxaha ahi ku hayaan caasimaddu tahay mid guryaha dhexdooda ugu tagi doonta haddii aan imika laga hor-tagin “Dhallinyarada rabshadaha sameeyaa, waxay joogaan guryaheenna, annagu Cuqaal ahaan gacan ayaanu idinku siinaynaa (La dagaalankooda) weliba waxaan soo jeedinayaa kii boolisku ay dilaan inaynaan Mag ka qaadanin…”sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah cuqaasha halkaasi ka hadlay.

Caaqil kale oo isaguna hadalka ka deba qaatey ayaa sheegay “Waxaan soo jeedinayaa in dhallinyarada wakhtiga xadhigga loo kordhiyo, ka la dili waayo xadhigga ha loo kordhiyo, ka la xidhayo hala geeyo gobol ka fog gobolkiisa” ayuu yidhi, isaga oo Caaqilka hore ku raacay talada uu soo jeediyay.

Sidoo kale, mid kale oo ka mid ah Cuqaasha gobolka Hargeysa ayaa isaguna soo jeediyay “Dhallinyaradani yaanay nabadgalyadeena innaga burburine, Cuqaasha waan ku raacsanahay inaan Mag laga qaadan ka la dillo. Waayo haddii aan wax laga qabanin guryaheenna ayay innoogu imanayaan, sidaa daraadeed waa inaan Mag laga bixinin”ayuu yidhi.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee Somaliland, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Cuqaasha uga Mahad celiyey go’aanka ah inaan Mag iska waydiinin wiilka ku dhinta hawl-gallada booliska “Waxaan aad iyo aad idiinkaga Mahad-naqayaa (Cuqaasha) go’aanka aad qaadateen ee ah inaad Amniga nala ilaalisaan iyo inaydaan noogu imanin ninka dambiilaha ah haddii aanu dillo”ayuu yidhi, Taliye Fooxle, waxaanu intaasi ku daray isagoo Cuqaasha waydiinaya in go’aankaasi lagu dhaqmi karo iyo in kale “Sow nagumaydaan raacin inaanu dillo ninka dambiilaha ah ee qoryahayaga iyo nabadgalyada noogu yimaadda” ayuu Taliye ku xigeenku waydiiyey Cuqaasha gobolka Maroodi-jeex, waxayna cuqaasha oo tiro ahaan badnaa ay mar kaliya ku jawaabeen “Haa..Haa..haa”

Kulankaasi oo uu sidoo kale hadal kooban ka jeediyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland, Cismaan Garaad Soofe, ayaa isaguna waxa ka hadlay badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), waxaanu yidhi “Annagu gobol ahaan u dul-qaadan maynno in nin dhallinyaro ah nabadgalyo daro abuuro, bulshada kala duwan dhibaato loo geysto oo Magaalada la kala xidho, oo la yidhaahdo Daacish bay la baxeen ama Arsenal bay la baxeen, dawlad baanu nahay, annaga iyo dhallinyaradu waanu kala adkaanaynaa”

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here