Dad lagu tijaabiyey oo tiradoodu gaadhayso 1077 qof ayaa muujiyey in jidhkoodu samaystay maadada difaaca jidhka ee Antibodies-ka la yidhaa iyo sidoo kale T-cells oo la dagaalami kara fayraska korona.
Natiijadan soo baxday waxay abuurtay rajo weyn, laakiin wali si buuxda looma odhan karo talaalkani si buuxda ayuu qofka uga difaaci karaa laakiin waxa socda tijaabooyin kale oo intan ka badan.
Ingiriiska ayaa durba dalbaday 100 milyan oo irbadood oo talaalkaas ah.
Siduu u falgelayaa
Talaalkan waxa la yidhaa ChAdOx1 nCov-19 waxaana lagu samaynayaa dardar aan hore loo arag.
Waxa laga sameeyey fayras laga soo dheegay fayraska keena hargabka caadiga ah ee ku dhaca nooc daayeerada ka mid ah.
Dabeetana si weyn baa loo dhalan rogay, waa ta koobaade dadku ma kala qaadi karaan waxaana sidoo kale loo ekaysiiyey fayraska corona.
Saynisyahannadu waxay sameeyeen waxa weeyi in ay hidde sideyaashiisii taranka qaabilsanaa talaalkan ay sameeyeen ku dhaabaan “fallaadhihiisa duxda ah” taas oo ah waxa keliya ee u sahla inuu fayraskani galo unugyada jidhka.
Arintaasi waxay ka dhigantahay in talaalku u ekaanayo fayraska korona sidaa awgeedna uu hab-dhiska difaaca jidhka barayo inuu weeraro [fayraska karona].
Waa maxay T-cells?
Waxa aadka loo danaynayey ee ku saabsan fayraska korona wuxu ahaa maadada Antibodies, laakiin taasi waa qayb keli ah oo ka mid ah hab-dhiska difaaca jidhka.
Antibodies-ku waa dux yaryar oo uu soo saaro hab-dhiska difaacu oo isku daboosha oogada fayrasyada. Waxaanay Antibodies-kaasi dili karaan fayraska korona.
T-cells waa nooc ka mid ah unugyada dhiigga cad oo kaalin weyn ka ciyaara wadashaqaynta hab-dhiska difaaca waxaanay awood u leeyihiin in ay dareemaan unugyada jidhka kuwooda fayrasku galay oo ay baabiiyaan.
Borofesoor Andrew Pollard oo ka tirsan kooxda cilmi-baadheyaasha Oxford ayaa BBC-da ku yidhi “run ahaantii waanu ku faraxsannahay natiijada maanta aanu soo saarnay maadaama oo aan halnay labada maaddo ee fayraska dili kara ee kala ah Antibodies iyo T-cells”.
“Rajo weyn baa ka muuqatay waxaanan rumaysannahay in nooca falcelineed ee ka dhalanayaa uu difaac noqon karo. Laakiin su’aasha muhiimka ah ee qof kastaa doonayo jawaabteedu waxa weeyi talaalkani ma shaqaynayaa, fayraska [dadka] ma ka difaacayaa……. Laakiin waan ka dhursugaynaa”.
“Cilmi-baadhistani waxay muujisay in 90% dadka [talaalka lagu tijaabiyey] ay yeesheen maadada Antibodies-ka ee dilaysa fayraska markay kol qudha qaateen talaalka. Boqolkiiba toban keliya ayaa laba goor la talaalay oo iyaguna sidoo kale yeeshay maadadaa fayraska dilaysa” ayuu intaa ku daray.
Ma badqabaa talaalku?
Haa, laakiin waxa jira saamayn uu yeelan karo.
Ma jirto saamayn halis ah oo talaalku keeni karo, hase yeeshee 70% dadkii lagu tijaabiyey waxay yeesheen xummada ama madax xanuun.
Cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in arintaa lagu dawayn karo xanuun baabiiyahay baarasitamoolka.
Borofesoor Sarah Gilbert oo ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa tidhi “weli waxa hadhsan shaqo badan oo ay tahay in la qabto inta aan la go’aamin in talaalkan fayraska korona lagaga hortagi karo, laakiin ilaa hadda natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxaya yididiilo ayay abuurayaan”.
Waa maxay talaabada labaad ee tijaabadu?
Natiijada soo baxday yididiilo ayay abuurtay, laakiin ujeedada ugu wayni waxa weeyi in lagu qanco in talaalkani yahay mid badqaba oo dadka la siin karo.
Cilmi-baadhistu ma caddaynayso in talaalku ka hortagi karo in dadku bukoodaan ama uu khafiifin karo calaamadaha cudurka Covid-19 [hadii ay qaadaan] toona.
In ka badan 10,000 oo qof oo kale oo Ingiriiska ku nool ayaa ka qayb geli doona heerka labaad ee tijaabada.
Waxa sidoo kale tijaabadan labaad la gaadhsiin doonaa dalal kale maadaama oo heerka fayraska korona ee Ingiriisku haatan hoos u dhacay oo ay adkaanayso in lagu ogaado wax tarka talaalka.
Waxa tijaabo ballaadhan laga samayn doonaa dalka Maraykanka oo 30,000 oo qof ka qayb geli doonaan iyo sidoo kale Koonfur Afrika 2000 oo qof iyo Barazil oo 5000 oo qof ah