Dhacdooyiinkii ugu muhiimsanaa ee soo maray dalka Afqaanistaan.
1838-42 – Ciidamadii Ingiriiska ayaa ku soo duulay, Waxayna halkaasi ka dhiseen boqorkii la oran jiray Shah Shujah.#
1878-80-Dagaalkii Labaad ee Anglo-Afghan ayaa heshiis la saxiixday waxaa Britain siiyay inay maamusho arrimaha dibadda Afghanista
1919 – Amiir Amanullah Khan ayaa ku dhawaaqay inuu ka madaxbanaan yahay saamaynta iyo galaangalki uu Ingiriiska kulahaa Afqaanistaan.
1926-29 – Amanullah wuxuu isku dayaa inuu soo bandhigo isbadalo dhanka bulshada ah, balse shacabka dalkaasi ayaa dhigay kacdoon ugu dambeyntiina dalka wuu ka cararay.
1933 – Zahir Shah ayaa noqday boqor islamarkana Afghanistanna waxa muddo 40 sao ah lagu maamulayay nidaam boqortooyo.
1953 – Jeneraal Maxamed Daa’uud ayaa noqday ra’iisul wasaare afqaanistaan wuxuu uuna Midowgii Soofiyeeti waydiistay kaalmo dhaqaale iyo mid ciidan.
Wuxuu soo bandhigaya isbadal dhanka bulshada ah, sida tirtiridda waxa loo yaqaanay purdah oo ahaa dhaqan dumarka lagu takoori jiray.
1963 –Maxamed Daa’uud ayaa lagu qasbay inuu iska casilo jagada ra’iisul wasaaraha.
1964 – waxaa la soo saaray dastuur nidaam Boqortooyo – laakiin waxay horseedaa kala -qaybsanaan siyaasadeed iyo loolan xagga awoodda ah.
1973 –Maxamed Daa’uud ayaa xukunka kula wareegay afgambi wuxuuna ku dhawaaqay jamhuuriyad. Wuxuu isku dayaa inuu iska horkeeno so iyo awoodaha reer Galbeedka.
1978 – Jeneraal Daa’uud ayaa la afgambiyay waxaana dilay afagembiyayaasha oo taageero ka helayay Soofiyeeti.
Waxaa awoodda la wareegay Xisbiga Dimuqraadiga Dadka laakiin waxaa curyaamiyay isqabqabsi iyo gacan ka hadal iyo in uu wajahayay kooxo mujaahidiin ahaa oo taageero ka helayay Mareykanku.
Faragalintii Soofiyeetka
1979 bishii December – Ciidanka Soofiyeeti ayaa ku soo duulay Afqaanistaan waxayna ka dhiseen dowladd shuuci ah.
1980 – Babrak Karmal ayaa loo xilsaaray inuu noqdo hogaamiye, iyada oo ay taageerayaan ciidamada Soofiyeet-ka, Laakiin mucaaradkii hubaysnaa aya sii xogeystay.
Mareykanka, Pakistan, Shiinaha, Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa lacag iyo hub-ba siiya mujaahidiinta.
1985 – kooxihii Mujaahidiin ayaa isugu yimid Pakistan si ay u sameeyaan isbahaysi ka dhan ah ciidamadii Soofiyeeti. Xilligaasi qiyaas ahaan kalabar dadka reer Afgaanistaan ayaa ku barakacay dagaalka waxayna qaar badan oo ka mid ah u qaxeen Iran iyo Pakistan.
1986 – Maraykanku wuxuu bilaabay inuu mujaahidiinta siiyo gantaalaha, taasoo awood u siisay inay soo ridaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Soofiyeet-ka. Babrak Kamal ayaa xukunka laga qaaday waxaana lagu badalay Najibullah oo ay taageerayeen midowgii Soofiyeet.
1988 – Afgaanistaan, Midowgii Soofiyeet, Mareykanka iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiisyo nabadeed waxayna Midowgii Soofiyeeti ay bilaabeen inay ciidamadiisa kala baxo afqaanistaan.
Ciidanka casaa oo quustay
1989 -kii – Ciidamadii ugu dambeeyay ee Soofiyeeti ayaa baxay, laakiin dagaal sokeeye ayaa sii socda iyadoo mujaahidiintu ay ku dadaalayaan inay afgembiyaan Najibullah.
1992 – Dowladdii Najiibullah ayaa la riday, balse waxaa xigay dagaal sokeeye oo aad u ba’an.
1996 – Taliban ayaa la wareegtay gacan ku haynta Kabul waxayna shaaciyeen in dalka ay diinta islamka ku xukumi doonaan taasi oo ay ka mid tahay in dadka dhagax lagu dilo iyo in gacmaha laga gooyo.
1997 – Dowladaha sacuudiga iyo pakistaan ayaa Taliban u aqoonsaday in ay yihiin dowladda sharciga ee fqaansitaan
1998 – Mareykanka ayaa gantaalo ku garaacay saldhigyo la tuhunsanaa in ay Alqaacida ku lahayeen Afqanistaan .
Mareykanka ayaa hogaamiyihii al-Qaacidda Osama bin Laden ku eedeeyay in uu ka dambeeyay weeraro lagu qaaday safaarado uu Mareykanka ku lahaan Kenya iyo Tanzaniya.
1999 – Qarama Midoobey ayaa soo rogtay cunaqabateyn dhanka cirka ah iyo cunaqabateyn dhaqaale si loogu qasbo Taliban in ay soo dhiibaan Osama Bin Laden si maxkamad loo saaro.
2001 September – Ahmad Shah Masood, oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee ka soo horjeeday Taalibaan ayaa la dilay.
Duullaankii Mareykanka
2001 bishii October – Duqayntii uu Maraykanku hoggaaminayey ee Afgaanistaan ayaa bilaabantay ka dib weeraradii 11 -kii September lagu qaaday Maraykanka. Xoogaga Isbaheysiga Woqooyiga ee ka soo horjeedayTaalibaan ayaa galay Kabul waxyar kadib duqeymahasi.
2001 December – Dhinacyadii siyaasadda Afgaanistaan ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Bonn ee Jarmalka waxay ku heshiiyeen dhisidda dowlad ku -meel -gaar ah.
Hamid Karzai ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxa dowlad ku meelgaar ah oo awood qeybsi ah.
2002 Jannaayo – Hawlgalinta cutubyadii ugu horeeyay eek a socday kaashaanbuurta Nato ayaa gaaray afqaanistaan taasi o ahayd bilowga dagaal dheer oo lala galay Tlaiban.
2002 April – Boqorkii hore Zahir Shah ayaa soo laabtay, laakiin wax boqornnimo ah ma sheegan wuxuuna dhintay 2007.
2002 June – golaha odayaasha Afqaanistaan ee loo yaqaano Loya Jirga, ayaa Hamid Karzai u doortay inuu noqdo madaxa ku meel gaarka ah. Karzai wuxuu soo xulay xubnaha maamulkiisa oo xilka hayay ilaa 2004.
2003 August- Nato waxay la wareegtay amniga Kabul, waxaa uuna noqday howlgalkii ugu horreeyay abid ee ay ka sameeyaan meel ka baxsan Yurub.
Doorashooyiinka
2004 Janaayo – GolahaLoya Jirga waxay ansixiyeen dastuur cusub kaas oo dhigaya nidaam madaxwayne oo awood leh.
2004 Oktoobar –Nofembar – doorashadii Madaxweynaha ayaa la qabtay waxaana la shaaciyay inuu ku guleystay Hamid Karzai.
2005 September – Dadka reer Afgaanistaan ayaa u codeeyay doorashooyinkii baarlamaanka ee ugu horreeyay muddo ka badan 30 sano.
2005 December – Baarlamaanku wuxuu siyaasadda u furay qabqablayaashii iyo xoogaggii kale oo helay kuraasta intooda badan.
2006 Oktoobar – Gaashaanbuurta Nato ayaa la wareegtay mas’uuliyadda amniga guud ahaan Afghanistan oo dhan,.
2014 April – Doorashadii madaxtinimada waxay soo saartay natiijo aan la isku raacsanayn waxayna u gudubtay wareeg labaad oo u dhexeeya Abdullah Abdullah iyo Ashraf Ghani.
2014 June – Wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada ayaa la qabtay, iyadoo la sheegay in ka badan 50 lagu dilay dhacdooyin kala duwan intii codbixintu socotay. Doorashadan waxaa markii dambe xukunka qeybsaday Cabdalla Cabddala iyo Ashraf Ghani.
2015 May – Wakiilada Taliban iyo saraakiisha Afghanistan ayaa wadahadalo nabadeed oo aan rasmi ahayn ku yeeshay Qadar.
Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen inay wadahadalada sii wataan waqti dambe, in kasta oo Taalibaanku ku adkaysanayaan inaysan dagaalka joojin doonin ilaa dhammaan ciidamada shisheeye ay dalka ka baxaan.
2015 July – Talibaan ayaa qiratay in aas -aasihii, Mullah Cumar, uu dhintay dhowr sano ka hor, wuxuuna badalkiisa u magacaabay Mullah Akhter Mansour.
2015 September – Taliban ayaa si kooban u qabsatay magaalada weyn ee waqooyiga ee Kunduz horumarkii ugu muhiimsanaa tan iyo markii xoog lagaga saaray awoodda 2001.
2016August ilaa October – Taalibaan waxay ku sii siqeen duleedka Lashkar Gah, caasimadda Helmand, iyo magaalada waqooyiga ee Kunduz.
2017 August- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ciidamo dheeraad ah u dirayo Afqanistaan si ay ula dagaallamaan Taliban oo mar kale soo laba kacleeyay.
2019 September – Wadahadalladii u dhaxeeyay Taliban iyo Mareykanka ayaa Dox aka bilaabmay.