Berbera (SAXILNEWS.COM)_Tan Iyo Maalintii Lasoo Magacaabay Isku-duwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Saaxil Waxaa Isasoo Taraysay Dhaliilaha Iyo Buuqa Xafiisyada Wasaarada Caafimaadka Ee Berbera Taasi Oo Dabada Ku Haysa Hurint Dabaan La Arkay Oo Ka Dhex Haawanaya Xafiisayada Iyo Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka .
Waxaaynu Hadaba Ku Eegidoona Warbixintan Oo Daaha Ka Rogaysa Arimo La Xidhiidha Hab Dhaqanka Shaqo –Lunsiga Mashaariicaha Wacyigelinta Unicef Iyo Sidoo Kale Abaabulka Iyo Iska Horkeenka Shaqaalaha Ee Uqaabilsanaha Wasaarada Caafimaadka Somaliland Gobolka Saaxil Cabdiraxiim Ducaale Cajab
Tan Iyo Mudadii Uu Xilka Wasaaradaasi La Wareegay Lama Sheegi Karo Waxqabad Muuqda Oo Uu Hirgeliyey Hadii Ay Tahay Dhanka Dhismayaasha ,Maamulka Iyo Sidoo Kale Hawlo Socodsiinta Shaqaalaha Wada Shaqaynta Ka Dhaxaysa Xafiisyada Dawlada Iyo Sidoo Kale Haayadaha Caalamiga Ah Ee La Shaqeeya Wasaarada Caafimaadka Waxaana Lagu Dhaliila Maamulka Caafimaadka Gobolka Saaxil Habacsanaan Iyo Kala Daadsanaan La Xidhiidh Dhinaca Maamulka Oo Ay Shaqadiisu Tahay Maamulka Iyo isku Dibridka Shaqada Uu Masuuliyadeeda Hayo Shaqaaalaha Caafimaadka Ayaa Ilaa Hada Ka Walaacsan Maamul Xumada Shaqo Ee Dhinaca Isku -Duwaha Iyo Kooxo La Shaqeeya Oo Arimo Gaar Ahi Ay Walaaleeyen Kuna Shuraakooban Lunsiga Mashaariicaha Jaban Ee Kasoo Gala Dhinaca Haayadaha Waxaana Jirta Kormeer La ,aan Iyo Abaabul Laan Dhinaca Xarumaha Caafimaadka Ah Sida Xanaanooyinka Iyo Goobaha Caafimaadka Ee Ku Fidsan Deeganada Gobolka ,
Waxaa Jirta Sidoo Kale Dawooyin Dhacay Ama Wakhtigoodii Dhaafay Oo Buux Dhaafiyey Goobaha Caafimadka Qaar kood Oo Aanu Ilaa Hada Waxba Ka Ogayn Iskuduwaha Caafimaadka Ay Tahay Shaqadiisa Koowaad Kana Masuul Yahay Arimaha Caafimadka Ee Bulshada Danyarta Ah Ee Gobolka Saaxil.
Maamulka Xanaanooyinka Iyo Goobaha Caafimaadka Ee Gobolka Saaxil Ayaa Inta Badan Kuu Sheegaya Inaanayn Arag Iskuduwaha Ku Magacaaban Gobolka Halkay Kuwo Kalena Kuu Sheegayaan Inaanayn Aqoonba Hadaba Arintan Oo Salka Ku Haysa Karti Darada Iyo Shaqo Xumada Ragaadisay Wasaarada Caafimadka Ee Gobolka Saaxil Iyo Xil Gudosho La,aanta Maamulka Sare Ee Caafimadka Ku Magacaaban
Waxaa Kale Jirta Khilaaf Aan Dhamaad Lahayn Oo Kujira Gudaha Shaqaalaha Caafimaadka Gudida Iyo Maamulka Caafimaadka Kaasi Inta Ka Yimaada Iskuduwaha Caafimaadka Oo Ay Ugu danbaysay Inuu Shaqada Uga Huleelay Maamulihii Hore Cuspitaalka Berbera Cabdiqani Ahmed Barre Kadib Markii Kala Hadhi Waayey Dabogal ,Xaasidnimo ,Cunfi ,Iyo Xiqdii Aanu Ogayn Ka Buuxay Dhanka Iskuduwaha Caafimaadka Oo Aan Khibrad Fiican Ulahayn Wada Shaqaynta Iyo Xayndaabka U Dhexeeya Shaqaalaha Uu Maamulo Waxaana Taasi Cadayn Khilaafkii Ugu Cuslaa Ee Wasiirka Caafimaadka Somaliland Ka Garnaqay Ee Madaxa Isu Galiyey Iskuduwuhu Agaasimaha Cuspitaalka ,Maamulhii Hore Iyo Sidoo Gudida Caafimaadka Ee Gobolka Saaxil Kadib Markii Uu Soo Qoray Waraaq Kibrad La,aan Iyo Aqoon Daro Ku Salaysan Oo Ku Sheegayey Inuu Eryey Ama Shaqada Ka Cadhinayo Maamule Cabdiqani Barre Balse Arintaasi Ayaa Waji Gabax Ku Noqotay Markii Wasiirku Garta Galay Iyadoo Si Qaboobow Loogu Sheegay Inaanu Awood Ulahayn Magacaabista Iyo Erista Maamulka Dhakhtarka ,Isagoo Marna Wasiirka Eega Marna Gudida Marna Ninkii Inaadeerkii Ahaa Ee Uu Godobta Ka Galay Ayuu Waraaqdii Dhulka Dhigay Kadibna Uu Kasoo Baxay Xafiiskii
Hadii Aynu Intaasi Kaga Nimaadno Isasaarka Munaafaqdaysane Ee Ku Habsaday Goobihii Dadka Lagu Dabiibi Jiray
Waxaa Kale Oo Jirta Musuq Maasuq Iyo Wax Is Daba Marin Dhinaca Barnaamijyada Wacyigelinta Caafimaadka Ee Gobolka Waxay Bulshada Gobolka Saaxil Ay Markhaati Ka Tahay Inaanay Jirin Wax Wacyigelin Ah Oo Lagu Qabtay Gobolka Saaxil Iyo Deeganadiisa Toona Tan Iyo Waagii Iskuduwe Bashiir Diiriye jamac Oo Laga Joogo Ilaa Sadex Sano Balse Ay Jirto Inay Ku Leexdaan Dhamaan Dakhligii Yaraa Ee Loogu Talogalay Hawlahaasi Acounkaga Iskuduwaha Caafimaadka ,Iyadoo Ay Dhamaan Shaqaaluhuna Ka War Hayaan Lacag Urursiga Iyo Khiyaamada Farsamaysane Isuduwe Cabdiraxiim
Waxa Kale Oo Cadayn U Ah Maamul Jilicsanida Iyo Gudasho La,aantaMaamul Ee Maamulka Sare Ee Caafimadka Gaar Ahaan Iskuduwe Cabdiraxiim Inuu Tahli Waayey Xaraynta Ururinta Iyo Maamulida Gaadiidka Caafimaadka Akhriste Sawirkani Waa Gaadhi Ay Wasaarada Caafimaadku Leedahay Oo Shaqsi Gaar Ahi Maamusho Siduu Doonana U Isticmaala Halkuu Doono Ubaxa Halkuu Doono Lagu Xareeyo Maamulka Caafimaadka Oo Aanu Wax Ka Waydiinay Uu Ka Gaabsaday !
Waxaa Kale Oo Jirta Lacago Laga Qaado Dadka Masaakiinta Ah Ee Soo Booqda Cuspitaalka Degmada Iyo Kuwa Bukaan Jiifka Ah Dadkaasi Waxay Sida Fiinta Uga Qayliyeen Lacagaha Aanay Awoodin Ee Lagu Soo Rogay
Waxaa Kale Oo Jirta Inuu Iskuduwuhu Ka Gaabiyey Furitaankii Xarunta Caafimaadka Qaar Kamid Ah Deeganada Gobolka Sida Xaruntii Tuulada DALLOW ee Galbeedka Gobolka Saaxil Waxaa Sidoo Kale Lagu Soo Waramayaa Inay Xidhmeen Qaar Kamid Ah Xarumihii Caafimadka Ee Deeganada Gobolka Saaxil Taasi Sababtu Inta Badan Ka Timaado Xaga Maamulka
Waxaa Kale Oo Jirta Inuu Xumaaday Hal Computer Oo Lagu Eegi Jiray DUMARKA Uurka Leh Iskuduwaha Ayaa Ah Mid Aan Guud Ahaanba War Uhaynin Dayac Iyo Dhiilaha Cad Ee Dul Hoganaaya Caafimaadka Gobolka Markaad Booqoto Cuspitaalka Degmada Berbera Oo Taariikho Hore La Dhisay Dhabanka Ayaad Gacanta Saaraysa Burburka Iyo Daryeel La,aanta Ka Muuqata Iyo Sidoo Kale Mooganaanta Maamulka Ku Magaacaban Oo Inta Badan Iskaga Mashquulsan Tamashlaynta Hargaysa Iyo Goobaha Loo Dalxiis Tago Ee Dalka Balse Aan Ogayn Shaqada Uu Qaranka U Hayo
Xaalada Caafimaad Ee Gobolka Oo Ay Wakhtigani Ka Shaqayso Haayada HPA Ayaa Si Xoogle Uga Dayrinaysa Wada Shaqaynta Maamulka Guracane Ee Caafimaadka Gobolka Saaxil Wararka Ayaa Sidoo Kale Sheegay Inay Uqaabilsanihii Hpa Ee Gobolka Saaxil Yaasmiin Maxamuud Raage Ay Kamid Ahaayeen Qodobadii Ay Shaqada Uga Tagtay Arimo La Xidhiidha Masuq Maasuq Iyo Wax Is daba Marinta ,Xisaab La,aanta Iskuduwaha Caafimaadka Ee Gobolka Saaxil .
Lasoco Qaybaha Danbe
Maxamed Adam Nuur
nuur12@gmail.com