Suuriya :- Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Oo La Dilay Iyo Qaabka Loo Dilay

0
16
Xums (Saxilnews):- Sida ay sheegeen maamulka magaalada Xums, 32 qof ayaa kudhintay laba qarax oo miidaame ah oo lala beegsaday laba xarumood oo ciidamada nabad gelyadu ku leeyihiin magaalada Xums ee dalka Suuriya.

Image may contain: one or more people, people sitting, people standing and outdoor

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay badhasaabka gobolka Xums, Dalaal Al-Baraasi, inuu sheegay in ay sidoo kale shilkaa ku dhaawacmeen 24 qof oo kale.

 

Warar kale oo warbaahinta qaarkeed baahisay ayaa iyaguna tibaaxay in madaxii sirdoonka milatariga, Jeneraal Xasan Dacbuul, isna lagu dilay weerarkaa, waxaana la tuhusanyahay in ay weerarka soo qaadeen lix qof oo miidame ahaa.

Xarunta la socodka xad gudubyada xuquuqal insaanka ee Suuriya, oo saldhigeedu yahay Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in dadka weerarkaa ku dhintay ay ka badan yihiin 40 qof oo badankoodu ahaayeen ciidamada nabad gelada.

Ciidamada dawladda Suuriya ayaa gacanta ku hayey magaalada Xums ilaa bishii Diisembar ee 2015-kii oo ay la wareegeen markii ay ka baxeen dableydii mucaaradka ahayd ka dib markii heshiis xabad joogin ah la gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here