Suudaan Oo Dagaal ku Hanjabtay Iyo Masar Oo Iskaga Baxday Wadahadaladii Wabiga Nil.

0
17

Waxaa sii xoogeesanayaa muranka iyo khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Masar , Sudan iyo Itoobiya ee ka dhashay biyo xireenka weyn ee Wabiga niil ka dhiseyso Dowlada Itoobiya .

Dowlada Masar ayaa shaacisay in ay isaga baxday wadahadalo hor leh oo la doonayay in xal looga gaaro muranka ka dhashay biyo xireenka Wabiga Niil ka dhiseyso Dowlada Itoobiya.

Muranka ka dhashay buuxinta biyo xireenka ee u dhaxeeya sadexda dowlada ayaa sii xoogeestay kadib markii dowlada Itoobiya soo jeedisay tilaabooyin cusub oo la xiriira buuxinta biyo xireenka wabiga Niil.

Wasiirka waraabka iyo biyaha dowlada Suudaan, Yaasir Cabbaas ayaa sheegay inay soo gaartay warqad ka timid xukuumada Itoobiya oo qeexeysa tallaabooyinka ay soo jeediyeen oo aysan ku qancin dalkiisa.

Waxa uuna ku hanjabay wasiirka in dowladiisa ay isaga bixi doonto wadahadaada xalka lagu raadinayo hadii ay dowlada Itoobiya kusii adkeesato talaabooyinkan cusub ee lagu buuxinayo biyo xireenka Wabiga Niil.

Dowlada Itoobiya ayaa ku faraxsan tahay biyo xireenka buuxsamay xilli roobabka ay bishii Juun ka bilowdeen halkaas , waxaana taa badalkeeda waddamada Masar iyo Suudaan ka walaacsan saameynta ka dhalan karta arrintaas .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here