Sucuudigu ma in Trump doorashada ku guulaysto ayuu doonayaa?

0
17

Wargeysyada Carbeed ayaa faalooyin ka qoray doorashada Maraykanka ee dhici doonta maalmaha kooban ka dib iyo fursada ay leeyihiin labada musharax ee Donald Trump iyo Joe Biden.

Waxaanay saxafiyiinta faalooyinkaa qoray qaarkood ay su’aalo iska waydiiyeen sababta Sucuudigu “farta wadnaha ugu hayo” maalmahan doorashada ka hadhay ee uu u danaynayo in Trump ku guulaysto doorashada.

Geesta kalena saxafiyiinta qaarkood ayaa tibaaxaya in ay korodhay fursada uu Biden ku hanan karo guusha doorashadan.

‘Sucuudigu wuu welwelsan yahay’

Jalaal Jaraaqi oo faallo ku qoray wargeyska Al-Yoom ee London ka soo baxa ayaa yidhi “natiijada ra’yi ururinta haatan la qaaday waxay tibaaxaysaa in uu musharaxa Dimuqraadiga ee Joe Biden doorashada ku guulaysan doono, arintaasina waa ta Sucuudiga welwelka ku abuurtay ee uu wadnaha farta kaga hayo sida wax isku bedeli doonaan.”

Waxaanu intaa ku daray in doorashada Maraykanku noqotay “waxa keliya ee Sucuudigu isha ku hayo ee ay warbaahintiisuna ku mashquushay ee ay dedaalka badan ugu jirto sidii ay saamayn ugu yeelan lahayd codbixiyeyaasha Carabta ah ee Maraykan ee ay ugu codayn lahaayeen Donald Trump. Sucuudiga, weliba gaar ahaan dhaxal sugaha taajka boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa welwelka uu ka qabo in Biden ku guulaysto doorashada lagu ba tilmaami karaa cabsi. Sababtuna waxa weeyi mawqifka Biden ee ku aadan gobolka Bariga Dhexe iyo gaar ahaan Sucuudiga iyo sidoo kale suurto galnimada ah in uu meesha ka saaro taageeradii Trump siin jiray Sucuudiga oo dhaxal suguhu ku keliyeysto dhibaatooyinka gobolka ka taagan iyo sidoo kale in hammigiisa uu ku doonayo inuu boqor dalkaa kaga noqdaa suurtoobi waayo.”

Marwaan Samuur oo maqaal ku qoray bogga internet-ka ee Xarunta Daraasaadka iyo Istiraatajiyadda ee Aljeeriya ayuu ku sheegay in Trump yahay musharaxa Sucuudigu doonayo inuu guulaysto.

“Markii Trump ku guulaystay doorashadii hore, Sucuudigu wuxuu ahaa goobtii ugu horaysay ee uu socdaal ku tago. Intii booqashada uu dalkaa ku joogayna waxay kala saxeexdeen heshiisyo qiimahoodu gaadhayo 460 bilyan oo doolar. Waxa intaa dheer go’aankii Trump ku difaacay Sucuudiga markii la dilay saxafigii Jamaal Khaashoqji.”

Waxaanu intaa ku daray “filashada Sucuudigu waa in siyaasadda Biden noqon doonto mid la mid ah tii Obama ee waagii uu xilka hayey xidhiidhka Maraykanka iyo Sucuudigu xanafta yeeshay maadaama oo Biden waagaaba ahaa madaxweyne ku xigeenka.”

Xidhiidhka Sucuudiga iyo Maraykanka

Cabdicasiis Al-Xaqbaani oo faalo ku qoray wargeyska Cukaad ee Sucuudiga ayaa yidhi ma haboona in “qofna aanu ku talax tagin si xun wax uga sheegga xidhiidhka aanu la leenahay Maraykanka”

Al-Xaqabaani waxa uu intaa ku daray “waa la yaab in Carabta xag-jirka ah ee aaminsan siyaasadda garabka bixdix ay u danaynayaan doorashada Maraykanka si aanay shacabka Maraykan qudhoodu uba danaynayn iyo sidoo kale in ay u taageerayaan Biden si aan Dimuqraadiyiintu uba taageerayn iyagoo u haysta in hadii uu Biden guulaysto xidhiidhka Sucuudiga iyo Maraykanku aad u xumaan doono, iyada oo ay jirto in hogaanka Sucuudigu af-muggii ku sheegay in xidhiidhka siyaasadeed iyo taariikheed ee labda dhinac u dhexeeyaa sidiisa ahaan doono oo ay la shaqaynayaan cidda shacabka Maraykan doorto ha noqdo Jamhuuri ama Dimuqraadi ama Liberal ama Muxaafid e.”

Kulankii Boqor Cabdicasiis iyo Madaxweynihii Maraykanka Roosevelt
Qoraalka sawirka,Kulankii Boqor Cabdicasiis iyo Madaxweynihii Maraykanka Roosevelt

Waxa kale oo qoraagu ku nuuxnuuxsaday in “xidhiidhka Sucuudiga iyo Maraykanku yahay mid gaamuray oo istiraatiji ah oo ay dhidibada u taageen Allah ha u naxariistee boqorkii dalka aasaasay iyo madaxweynihii Dimuqraadiga ahaa ee Franklin Roosevelt.”

Xoojinta fursadaha Biden

Qoreyaal badan ayaa sheegay in ay aad u badan yihiin fursadaha uu Biden ku hanan karo guusha doorashadan.

Joe Biden
Qoraalka sawirka,Joe Biden

Haayil Wadcaan oo wargeyska Al-Dastuur ee Urdun faalo ku qoray ayaa sheegay in shakhsiyaad iyo shirkado Maraykan ah oo isugu jira kuwo military iyo rayid ahi ay ku hawlan yihiin sidii “looga soo kaban lahaa saamaynta taban ee siyaasadaha Madaxweyne Trump ku yeesheen shacabka Maraykanka, waxaana intaa dheer in aragtidaa qudheeda ay qabto beesha caalamku oo taasina ay kordhinayso fursadaha uu Biden ku guulaysan karo maadaama oo ra’yi ururinta la sameeyey tilmaamayso in Biden ka horeeyo mushraxa la loolamaya ee xisbiga Jamhuuriga, waa Trump e.”

Wadcaan waxa uu intaa ku daray oo qoray “weliba marka gaar ahaan la eego in Maraykanku sida dunida inteeda kale aanu u xamili karin muddo-xileed labaad oo Trump helo iyada oo weliba ay jiraan xiisado iyo caqabado kalifaya in arintaas wax laga hortago”. (saxail news)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here