Stella Immanuel, oo ah dhakhtarad hadalkeeda uu muran badan dhaliyay, taa oo sheegtay in dawo aan wax tarkeeda la hubin oo halis keeni karta looguna talo galay dawaynta duumada.Waxay ku doodeysaa in dawadan lagu dawayn karo fayraska Covid-19, waxaana cad in tani aanay ahayn markii ugu horraysay ee muran noocan ah ay dhaliso.
Facebook iyo Twitter ayaa shabakadahooda ka saaray muuqaal laga duubay dhakhtaradda, waxayna sheegeen in uu xad gudub ku yahay qawaaniintooda oo uu yahay mid xog aan sugnayn dadka loogu soo tebinayo. Laakiin intaan muqaalkaa laga saarin shabakadahaas ayaa Donald Trump iyo mid inamadiisa ka mid ahi ay sii faafiyeen.
Madaxweynaha Maraykanku wuxuu ku dooday inuu u arko Dr Stella in ay tahay “qof aqoon leh”. Haweeneydan waxay ku dhalatay dalka Cameroon haatan se degan magaalada Houston ee gobolka Texas, in ay tahay “qof aqoon leh.”
“Waxay sheegtay in ay si weyn ugu guulaysatay daweynta boqollaal kala duwan oo bukaan ah, waxaanan rumaysanahay in doodeedu tahay dood muhiim ah laakiin shakhsiyadeeda waxba kama aqaan,” ayuu yidhi.
Dr Stella oo sidoo kalena ah baadariyad Masiixiyad ah, ayaa iyada oo hadal ka jeedinaysa Washington, Maxkamadda Sare ee Maraykanka horteeda laga duubay muuqaalkaas oo Isniintii, markii hore uu baahiyey website-ka aragtidiisu tahay garabka midig ee la yidhaa Breitbart.
Iyada oo ay la taagan yihiin dhakhaatiir kale oo ka tirsan urur la yidhaa ‘America’s Frontline Doctors’, waxay sheegtay in shacabka Maraykanka loo diidayo dawo lagu dabiibi karo coronavirus.
“Ma aha in qofna bukoodo. Fayraskani dawo ayuu leeyahay, waxa la yidhaa hydroxychloroquine, waxaan ku daweeyey 350 iyo dheeraad qof oo bukaan ahaa oo aan midkood na dhiman,” ayay tidhi Dr Stella Immanuel.
In kasta oo daraasado hor dhac ahi ay rajada ah in dawadan lagu dawayn karo fayraska korona ay kor u qaadeen, hadana tijaabooyin ballaadhan oo markii dambe la sameeyey waxay muujiyeen in aanay dawadu sidii la moodayey wax tar u lahayn.
Warar kale oo la xiriira hydroxychloroquine:
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa joojisay tijaabooyinkii dawadaas ee lagu sameynayay bukaanka, iyadoo sheegtay in ay aanay hoos u dhigayn xaddiga dhimashada bukaanka uu ku dhacay fayraska korona.
Ka dib markii ay soo baxeen xogo tibaxaaya in “ay keento dhibaatooyin halis ah oo garaaca wadnaha ah”, waxay wakaaladda cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanka FDA ay ka digtay bishii hore in loo adeegsado dawadaa in lagu dabiibo bukaanka fayraska korona.
Sidoo kale Dr Anthony Fauci, oo ah xubin sare oo ka mid ah gudida Aqalka Cad u saaray ka hortagga fayraska korona ayaa isna ku nuuxnuuxsaday isla aragtidaa.
“Daraasad kasta oo fiican – fiican markaan leeyahayna waxaan u jeedaa daraasad si teel teel ah loo sameeyey oo xogta ka soo baxday ay tahay mid saxa oo lagu qanci karo – waxay muujisay in hydroxychloroquine aanay wax tar u lahay dawaynta Covid-19,” ayuu yidhi isaga oo Arbacadii BBC-da la hadlayey.
Laakiin Dr Stella ayaa ku adkaysanaysa in aanay wax dhibaato ah lahayn in hydroxychloroquine la siiyo bukaanka, sababtoo ah dalkeeda Cameroon ayaa aad looga isticmaalaa oo lagu daweeyaa cudurka duumada.
Jin iyo saaxir
Dr Stella waxay dhalatay 1965, waxaanay shahaadada koobaad ee caafimaadka ka qaadatay jaamacadda Calabar ee dalka wadankeeda ay jaarka yihiin ee Nigeria. Sida ku cad website-ka gudida dhakhaatiirta Texas na, waxay haysataa liisan dhakhtarnimo oo sharci ah.
Sidoo kale waa baadariyad, waxaanay ka mid tahay aasaaseyaasha Fire Power Ministries ee Houston, oo ah madal ay u adeegsato in ay ku faafiso aragtiyaha dhagridda ah ee la xiriira xirfadda caafimaadka.
Wacdiyadeeda waxay sidoo kale ku jiraan bar YouTube ah oo la furay sannadkii 2009.
Shan sano ka hor ayey sheegtay in hiddesideyaasha noole qalaad oo meere kale ka yimid loo adeegsado dawaynta iyo sidoo kale in saynisyahannadu ay u soo saaraan talaallada si ay dadka uga joojiyaan in ay diinta ku dhaqmaan.
Waxyaabaha ay ku dooddo waxa kale oo ka mid ah in ay xanuunnada qaarkood sababaan faalisooyin ama saaxir iyo jin- arintaas oo ah wax ay rumaysanyihiin Masiixiyiinta Evangelical-ka ahi. Walow ay xataa sheegto in jin uu dadka qaar ugu galmoodo si riyo ah.
“Naag ayay iska dhigaan markaa ayay ninka la seexdaan oo mindiisa (xawadiisa) qaataan….ka dibna nin ayay iska dhigaan oo waxay la seexdaan nin oo ay shahwadaa ku sii daayaan oo ay sidaa aad ugu tarmaan,” ayay tidhi mar ay wacdi jeedinaysay 2013.
Arrinta kale ee ay Dr Stella wax ka sheegtaa waa guurka dadka isku jinsiga ah, oo waxay ku sheegtaa inuu keeni karo in dadka waaweyn ay caruurta guursadaan, sida uu soo tebiyey website-ka Daily Beast.
Sidoo kale waxay bixisaa adeeg duco ah oo ay ku saarayso nacladda jiilalku kala qaadaan ee markeeda hore laga dhaxlo awowyaasha ee la iskugu gudbiyo madheerta, sida uu websit-kaasi ka qoray taariikhdeeda.
“Ciise ayaa xidhi doona Facebook”
Muuqaalkeedii ugu dambeeyey ee Talaadadii lagu baahiyey Twitter-ka, waxay ku waydiisanaysaa bukaanka ay sheegtay in ay ka dawaysay Covid-19, in ay is sheegaan.
“Hadii aad hadli waydaan, waxaan sheegayno ayaa laga dhigi waxba kama jiraan,” ayay tidhi, waxaanay ku dhiiri gelisay in ay adeegsadaan Hashtag marka ay baahinayaan fariimahooda muuqaalka ah.
Fariinteedaa ay Twitter-ka ku qortay waxa la sii tebiyey in ka badan 27,000 oo goor.
Markii Facebook iyo Twitter ay muuqaalkaa Ameica’s Frontline Doctors ka saareen shabakadahooda, ayey ku dhawaaqday in Ciisa Masiixi (Jesus Christ) baabiin doono shirkaddaa weyn ee baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka, hadii muuqaalladeeda ay soo celin weydo.
Illaa haatan Facebook may sheegin wax khalkhal ah oo ku dhacay shabakadeeda.
Waa ayo ururka Dhaqaatiirta ee America’s Frontline Doctors?
Waa urur ay ku bahoobeen dhakhaatiir dhaliila aragtida sayniska ee la isla qaatay ee ku saabsan Covid-19. Dhacdadii Isniintii waxa taageeray urur lagu magacaabo Tea Party Patriots oo ah urur muxaafid ah oo doonaya in mar kale la doorto Madaxweyne Trump.
Dhakhaatiirtaas waxay rumaysan yihiin in aanay muhiim u ahayn xayiraado ama dadka oo xidha marada afka iyo sanka ee la dagaalanka fayraska korona.
Aasaasaha ururka, Simon Gold, ayaa abaabulay bishii May, warqad loo diray Trump oo lagaga codsanayey in uu joojiyo xayiraadaha.
Dadkii saxeexay qoraalkaas ayaa lagu dhiiri geliyey in ay wareysiyo siiyaan dadka saamaynta ku leh baraha bulshada maadaama ay arintaasi tahay qaabka ugu wanaagsan ee shacabka Maraykanka fariimaha lagu gaadhsiin karo.
Ralph Norman oo ah xubin xisbiga Jamhuuriga ugu jira Aqalka Wakiilada ayaa ag taagnaa dhakhaatiirta markii ay shirka jaraa’id qabanayeen.
Dooddu waxay dadka Maraykanka u sii kala qaybinaysay qaab siyaasadeed, waxaanay kuwa taageersan hydroxychloroquine farta ku fiiqayeen sida Madaxweyne Trump u taageeray, iyagoo sidoo kalena dadka dhaliilaya ku eedaynayey in ay qarinayaan waxtarka ay yeelan karto dawadaasi