Soomaalida Minnesota Oo Ku Kala Qaybsantay Hadal Uu Badhasaab Wilz Ku Duray Muqdisho

0
19

Maalintii shanaad ayay galeen dibad baxyada ka dhashay dilkii Goerge Floyd, waxana ay hada ku sii baahayaan dalka maraykanka oo dhan, waxana uu xaalka Minisota oo ubuc u ahayad dibadbaxyadan uu badhasaabka gobolkaas ku tilmaamay mid naxdin badan.

Barasaabka ayaa sidoo kale sheegay in waxa haatan ka socda magalada Minneapolis ay xusuusiyeen Muqdisho iyo Baqdaad.

Hadalkan badhasaabka ayaa taabanaya dadka Soomaalida u badan ee ku nool magaaladan Minneapolis, waxana durtadiiba uu dareenka dadka Soomaaliyeed yahay mid dhinacyo kala duwan ula cararay hadalkan.

Dadka qaar waxa ay aamin san yihiin uu gaf ku yahay Soomaalida, isla markaana magaalada ay Somalidu ku badan tahay uu badhasaab Tim Wilz ku xasuustay biliqadii aan Soomaalida u gaarka ahayn ee ka dhacday magaaladaas.

Dadka qaar ayaa qaba dareen ka dhow kan oo salka ku haya in Somalidu ay wax walba oo ceeb ah iyadu masuul iskugu tahay maadaama ay ku fashilantay in ay qaran Somaliyeed dhisato, sharaftooduna ay tahay mid meeshan iyo meel ka sii hoosaysa beegsanaysa.

Si kastaba ha ahaatee, Minisota, waa magaalo ay Soomaalidu ku badan tahay, halkaasna ka soo saaratay xidhibaan Aqalka Congress-ka u matala, waxana xaqiiqdu ay tahay in waxa ka dhacaya Maraykanka maanta ay yihiin arimo salka ku haya cunsuriyad una baahan in sharciga iyo qaanuunka Booliska wax wayn laga badalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here