Soomaalida Iyo Canfarta Oo Fadhi Nabadeed Oo Ay Yeesheen Ku Kala Kacay

0
13

Maamullada Soomaalida iyo Canfarta ayaa lagu soo warramayaa in ay isku mari la’ yihiin wadaxaajood ku aaddan colaadda ka taagan deegaannadii ay dhawaan ku dagaallameen, wadahadalladaas oo uga socda magaalada Awaash.

Dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa u kala dab qaadaysa labada dhinac oo colaaddoodaa ay salka ku hayso deegaanno ay ku muransan yihiin.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.

Iyada oo ay taagan tahay colaadda labada deegaan oo aan xal waarana laga gaarin sheegashada dhulka la isku hayo, ayaa waxaa xaaladda sii huriyey guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiya oo soo saaray go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow ee ay gaadhi karaa.

Go’aanka guddiga doorashooyinka ayaa waxaa si weyn uga biyo-diiday maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyaga oo qoray warqad ay ku sheegeen iney marnaba aqbaleyn dhul uu deegaanka Soomaalida leeyahay in deegaan kale la hoos geeyo.

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here