Somaliya:Wasiirka Warfaafinta Soomaliya Cismaan Abokor Dubbe Oo Ka Hadlay Shir Nairobi Ka Dhacay Oo Siyaasiyiin Iyo Odayaal Ka Qayb Galeen

0
19

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe, ayaa ka hadlay shir
Beeleed shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Nairobi kaas oo ay ka
qayb-galeen siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland.
Akhri qoraalka wasiirku Arintan Kaga Hadlay
“Dad badan baa i soo weydiiyey shir ka’ dhacay Nairobi oo beelo
Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la’ fahmi karo in dhaqan ahaan Beeuhu u
shiraan, qaybaha kala duwan ee bulshaduna mar walba way shiraan, wayna la
shaqeeyaan dowladooda. Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen
Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano, ee
weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey, ee laga kari waayey
walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in
ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen
madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii
Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen. Odayadaas dhuumanaya waxan
leenahay soo dhowaada walaalayaal, Albaabadu weli way furan yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here