Somaliland Wasiirka Arrimaha Guddaha Iyo Wakiilka UK Maxay Ka Wadahadleen

0
34

Hargaysa (Saxilnews.com)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xafiiskiisa kulan Albaabada lo xidhay kula yeeshay Haweenayda Dawlada Britain u qaabilsan Somaliland,Ambassador Lizzia Walker oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Xafiiska Britain ee ku leedahay Hargeysa.

Alt: Araweelo News Network
Wasirika Arrimaha Gudaha Somlailand, Maxamed Kaahin oo xafiiskisia ku qaabilay haweenayda Lizzia Walkeroo ah Wakiilka Britain, 25 April 2022.

Kulankaa oo aannay saxaafdu goob joog ka ahayn, lama ogga waxa ay kaga wadahadleen Wasiirka  Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin iyo Wakiilka Britain Lizzia, balse kulanaka kaddib ayaa lagu sheegay qoraal koobban oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha in uu ahaa kulanku mid Wasiirku ugu xog-waramay Lizzia iyo saraakiisha la socday xaalada guud ee amniga Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, kulanka ayaa labada dhinac kaga wadahadleen sida lagu xusay qoraalka halka uu  marayo  gurmadkii Suuqa Waaheen ee shufbeelay 1 April oo loo saaray guddi dhaqaalaha loogu yaboohay.

Kulanka waxaa Wasiirka kala qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimaha Guud ee dhinaca Amniga Wasaaradda Arimaha Guddaha Ibraahim Cali Ismaaciil iyo saraakiil kale, sida uu xusay Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland.

Lama ogga in Wasiirka iyo Taliyaha ay ka wadahadleen arrimo kale, iyadoo kulanku kusoo beegmay kaddib markii Todddobaadkii hore Wed, Apr 20 2020, ay Somaliland booqasho ku timi Ambassador Kate Foster oo ah Safiirka Soomaaliya, taas oo wefdi ay hoggaaminaysay kulan la yeelatay Madaxweyneha Somaliland Musue Biixi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Lizzia , Boqoashadeeda ayaa kasoo beegnatay xilli ay xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay 13 April koox weriyayaal ah, kuwaas oo maalmo kaddib lasoo daatay 12 ka mid ah, halka saddexda kale ay weli ku jiraan xabsiga, isla markaana xukuumaaddu kiiskooda u gudbisay Maxkamadda, wallow aan si rasmi ah looga furin kiiska lagu haysto saddexda Weriye Maxkamadda oo muddadii hore loogu qabtay maalmihii ina dhaafay dib looga riixay,, isla markaana ay weli ku xidhan yihiin xarunta Baadhista Denbiyada CID (

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ay  maalintii Axaddii sheegay in loo qabtay qareeno u doodda oo ka difaacaya dacwadda lagu soo ooggayo saddexda suxufi, balse weli lama horgeyn garsoorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here