Somaliland Oo Walaac Ka Muujisey Cunaqabaynta Dhinaca Hubka Ee La Filaayo In Soomaliya Laga Qaado

0
19

Hargeysa(Saxilnews)-Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay shaacisay in werwar xoogan ka qabto in cunno qabateynta dhinaca hubka ee saaran dalka Somaliya lagaga qaado shirka dhawaan loogu qaban doono magaalaa London .

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo u waramay idaacada BBC-da ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan walaac ka qabaan in la hubeeyo dal ka mid ah gobalka isla markaana waxaa uu cabsi xoogan ka muujiyey in hubkaas loo isticmaalo wadamo jaar la ah dalka Somaliya waxaana uu yidhi

” Maadama oo aanu nahay waddan ka mid ah gobalka , waxaa uu maanta uu gobalku u baahan yahay waa nabad oo wax kasta uga mihiimsan , dabcana wer warkeeda ayay leedahay marka waddan gobalka ka mid ah la hubeeyo oo uu abaabul ciidan galo.

Anagu hadii aanu nahay Somaliland werwar badan ayaanu ka qabnaa in cuno qabateynta hubka laga qaado dalka Somaliya , waxaana aanu ka cabsi qabnaa in loo adeegsado hubkaas sidii dhibaato loogu gaadhsiin lahaa wadamada jaarka la ah Somaliya ” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here