Somaliland Oo Cadaysay Sida Ay U Aragto Khilaafka U Dhaxeeya Kenya Iyo Soomaaliya

0
19

Hargeysa(Saxilnews.com):-Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaanay ugu baaqday labada dhinac in ay wada hadal nabadeed ku dhammaystaan khilaafkooda.

Danjiraha Somaliland u fadhiya xarunta Kenya ee Nairobi Amb Baashe Cawil X Cumar ayaa wax laga waydiiyay khilaafka waxaanu yidhi “Arrintaasi mid inoo taalla maaha. waynu ka wada dheregsanahay in Somalia iyo Kenya bad isku hayaan, waxa kale oo jirta inaga(Somaliland) iyo Somalia in aynu qaddiyad isku hayno oo aynu kala baxayno, waxa aynu isku hayno inaga ayay gaar inoo tahay, iyaga iyo Kenya waxay isku haystaana iyaga ayay gaar u tahay,”Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe oo u waramay bulshtov.

Image result for farmaajo iyo kenyatta

 

Waxa uu intaasi ku daray in aanay Somaliland meeli uga bannaanayn khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi “Anigu waxaan qabaa in aanay Somaliland meeli uga bannaanayn khilaafka Somalia iyo Kenya aan ahayn waa laba dal oo jaar ah ee in ay khilaafkooda ku dhammaystaan si walaaltinimo ah waayo hore ayaa loo yidhi jaarkaaga ma dooran kartid, marka haddii ay caynkaa tahay oo aan meel la kala tagayn waxa wanaagsan in walaalnimo iyo nabadgalyo jaarku ku wada noolaadaan ta aynu jecel lahay in ay arrimahooda ku dhammaystaan,”sidaas ayuu yidhi danjire Baashe

Soomaaliya iyo Kenya ayaa kiiskooda muranka baddu horyaalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Muqdisho ayaa doonaysa in ay maxkamaddu ka garnaqdo khilaafka halka Nairobi doonayso in wada hadal iyo walaalnimo lagu dhammeeyo arrinta waxaanay u muuqata in mawqifka Somaliland u xaglinayo dhinaca Kenya.

Geesta kale Amb Baashe waxa uu sheegay in aanu khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo xidhiidhkooda xumaaday wax saamayn ah ku lahayn Somaliland, islamarkaana xidhiidhka Somaliland iyo Kenya ku qotomo xidhiidhka soo jireenka ahaa iyo kan la doonayo mustaqbalka ee la sii xoojinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here