Hargeysa( Dawan)Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in Xukuumadda tudhaale ka samaysay dagaalka Laascaanood.
Siciid Sulub Maxamed ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidanka qaranka difaac ku jiro oo aanu weerar qaadin,isla, ay ku baaqayaan in nabed lagu dhameeyo colaada.
Siciid Sulub oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Colaadaasi way dhamanaysaa Somaliland marwalba gacan nabadeed ayay fidinaysaa, mana rido Somaliland xabad aanay dalkeeda ku difaacan.dhulka iyo dadku maguuro. waana lala soo doontay xabada oo dirqi ayaanu ku badbaadnay,dad badani waaku dhintay ilaa imika difaac ayuu ku jiraa Ciidanka qaranka.maalina weerar muu qaadin intaasiba waa tudhaale.waana in ayna cid dambe inagaga dhiman dadka isku kaayo dirayana waxa aan leeyahay faraha nagala baxa. Soomaali ma,necbin wadahadal waa furanyahay.hadii wax kasta la sameeyo ama Xasan Sheekh u taga aama jin u taga nina idima kaxayn karo,”.