Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Ma Wareejinayo Awoodiisa Ciidammada Xiliga Doorashada

0
18

Ceerigaabo (Saxilnews) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay baaq ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Cabdiraxmaan Cirro oo ku baaqay in Madaweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu Komishanka doorashooyinka ku wareejiyo awooda maamulka ciidammada dalka maalinta doorashada.

Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo arrintaasi ka jawaabay ayaa sheegay in aanay suuro gal ahayn in Madaxweynuhu uu masuuliyadiisa Dastuuriga ah cid kale ku wareejiyo, arrintaasi aanay marba dhacaynin.

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay in Madaxweynuhu  uu dhex u yahay dhammaan bulshada iyo xisbiyada qaranka marka uu gudanayo waajibaakiisa shaqo ee ay ka mid yihiin maamulka dalka iyo ilaalinta amniga qaranka.

“Annagu waxaannu nahay xisbigii tallada hayay, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku jiraa maalmihii u dambeeyey,waxa aannu leeyahay qarankan nabadgelyo ayaanu ka doonaynaa, waxaannu ka doonaynaa in si nabad ah lagu coddeeyo, doorasho xor iyo xalaal ah ayaannu balanqaadaynaa, doorashadana siidhigeeda ma hayno waxa haya guddida doorashooyinka qaranka,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

Wasiir Maxamuud ayaa intaasi ku daray “Madaxweynuhu wuxuu masuul ka yahay guud ahaan habsami u socodka hawlaha qaranka, maamulka iyo gacan ku haynta amniga. Amniga iyo maamulkiisana u wareejin mayno masuuliyadaa cid kale madaxweyne SIilaanyo ayaa iska leh, cidina lama wadaagto, waxaanu maqlaynay haloo wareejiyo guddida doorashooyinka qaranka, xeer ugub ahna samayn mayno qaranku hore ayuu u soo jiray. Doorashadii u horaysayna maaha, wuu soo tartamay qaranku.”

“Madaxweyne Siilaanyo maanta waa oday aan tartamayn, Madaxweynayaal tartamaya ayaa halkan ka soo taliyey oo ciidammada maamula, oo lacagta maamula oo inta la tartamay, haddana laga helay doorashadii. laakiin maanta ragga tartamayaa midna gacanta kuma hayo, Madaxweynaha qaranka Somaliland waa taliyaha guud ee ciidammada  qaranka isaga ayaa amniga maamula, masuuliyadaasna waa u dhex.  marka uu masuuliyadaa gudanaya ummaddana waa u dhex, xisbiyadana waa u dhex, ragayaga gacanyareyaasha ahina siyaasadaas ayaannu ku shaqynaynaa, dhex baanu ummadda markaa u nahay, marka kalena dhinac ayaannu nahay oo raggaa is haya ee fardaha leedada saaran baanu ka mid nahay, ee codka kala boobaya, iskagama kaayo khaldana, waxaan ku soo ururinayaa bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan,” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo  ka hadlayey gunaanadka shir beelaha Beelaha Biciide Yoonis Iyo Buraale Yoonis ee bariga Burco ay ku lahaayeen degaanka Dooxa Dagaar ee gobolka Sanaag.

 

Xigasho:— Gudgude.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here