SIYAASI MAXAMUUD XAASHI IYO XULUFADIISA OO QUUSKA TAAGAN KAMID NOQOSHADA HOGGAANKA KULMIYE IYO QORSHE AY KULA WAREEGAYAN XISBIGA UCID.

0
21
Hargeysa(saxilnews.com)-Siyaasiyiinta xilal culus ka hayey Xukuumadii hore Kulmiye ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo hurguri kaga jiray kamid noqoshada hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa quus ka taagan, isla markaana ka hadhay Musharaxnimada xilalka hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye. 
Siyaasiyiinta waxa kamid ah, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo doonayey in lagu wareejiyo jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, hase-yeeshee xilka hada ka quustay, kaddib markii Madaxweynaha JSL ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu mar labaad u tartami doonaa jagadaas iyo weliba musharaxnimada.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahinta madaxa banaani ayaa shaaca ka qaaday in Siyaasi Maxamuud Xaashi, ayaa hada heeryadiisa ka qaadan doono Xisbiga Kulmiye, waxanay Wararku tibbaaxeen in Wadahadalo u socdaan Siyaasi Maxamuud Xaashi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe. 
Sidoo kale, waxay xoggaha ayaa intaa ku Dareen in Siyaasi Maxamuud Xaashi oo wata Siyaasiyiin Xukuumadii hore ka wada tirsanaayeen hada Wadahadalo xogtooda la ilaaliyey u socdaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe. Kooxda uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi doonayaan inay Xisbiga Ucid dhaqaale kula Wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here