Siyaasi Kala Noqoshadii Koofur Iyo Waqooyi Ku Saleeyey Dhaqankii Somalida,Soona Bandhigay Qorshe Cusub Oo Biyo Loogu Heli Karo Shacabka Somaliland

0
20

Waxaa Uu  Ka Hadlay Qaabka ay Bulshadu wax u wada qabsan karaan,iaygoo aan isku xidhin iskuna Halayn Haba Yaraatee Wadamada Reer Galbeedka Iyo waxa Loogu Yeedho Beesha Caalamka wuxuuna Soo bandhigay qorshe Cusub oo Dalka Somaliland Loogu Heli Karo Biyo Ku Filan Dad Iyo duunyaba

Siyaasi Cali Maraykan Waxa uu Sheegya Inuu Ka Fursan Waayay Soo Gudbinta Aragtidiisa Ku Aadan Aayaha Mustaqbal ee Biyo Raadinta Bulshadeena Oo Salka  Ku Haya Xaqiiqda.

Cali Maraykan Waxaa uu ugu horeyn ka hadlay Xaalada Nololeed ee Biyaha kana jira dhamaanba Deegaamada Somalidu Degto Gaar ahaana Somaliland oo uu Hada Ku nool Yahay waxaana uu is dul taagay In Biyuhu Yihiin aasaaska Nolosha Bini’aadamka Ilaahay abuuray Taasi oo uu Sheegay Inay Lagama Maarmaan Tahay Sidii bulsho Kasta Oo koomkan Kuwada Nooli u heli lahayd Biyo ku Filan.

Cali oo arimaha Biyaha Ka Hdalaya Waxaa uu yidhi “Ugu Horeyn Waxaan Ka Fursan Waayay Inaan Soo Gudbiyo Aragtidayda Taasi Oo Ku Waajahan Aayaha Mustaqbal ee Biyo Raadinta Bulshadeena Oo Salka  Ku Haya Xaqiiqda Ugu Horeyna waxaan u soo jeedinayaa shacabka Somaliland in laga faaiidaysto,Lana Joojiyo isla markaana La qabto Biyaha sida durdurka Ah ugu soconaya Badaha,kuwaasi oo laga dhigan Karo hadii La Qabto Webiyo Ama Harooyin Waaweyn oo Ay Manaafacaadsadaan Dadka,Xoolaha Iyo Dalaguba isla markaana faaiido weyn u leh in Wax lagu beeran karo Maxaa yeelay Hadii Dadka oo kaashanaya Dawladooda Iyo Muruqa iyo Maskaxdooda waxaa imaan karta in bulshada Caalamku Wax la qabato,hadii arintaasi La Iska indha Tirana Goor danbe oo aan fogayn ayaa lagu Hanbabri Doonaa “

Sidoo Kale Siyaasi cali Maraykan waxaa uu Ka Hadlay isla Markaana tusaale usoo qaatay dawlado Ka Faaiidaystay Biyaha Roobka ee Noqda daadadka dooxyada kusoo rogmada kuwaasi oo uu sheegay inay Halis ku yihiin Dadka iyo Xoolaha Marka Loo eego Dooxyada Biyuhu ay soo maraan sida dooxa Waaheen,Dacarbudhuq,Daadmadheedh,Cadaadley,Maroodijeex Iyo togdheer oo uu sheegay inay Yihiin Kuwa Ugu waaweyn oo la Soo sheego Marar badan inuu dad Qaaday Amase Gaadiid Iyo Xoolo La Tagay waxaana uu yidhi isagoo Arimahaasi Ka Hadlaya Sidatan “ Hadaan soo qaato Biyaha Roobka waxaa ka faaiidaystay Laba dawladood oo kala ah Nigeria Iyo Algeria oo ku yaala qaarada Afrika Markaan ka hadlayno,waxay ka dhigteen Harooyin Waaweyn oo La Manafacaadsado,sidoo kale dalalka qaar waxaaba ay u isticmaalaan Inay ka Dhaliyaan Biyahaasi La kaydiyay Tamarta Korontada,Somaliland Hadaan eegno waxaad maqashaan inta badan wasaarada Biyaha iyo Hayadaha La Shaqeeya oo Shacabka Ku Leh Waa In Xooga la saaraa Sidii loo Qabsan Lahaa biyaha Majaroorka oo aad u yar,waana laga cabi karaa intay doonaan ha Leekaadaane,Bal hadaba waxad ka Warantaan Faaiidada ay yeelan Karaan Marka la qabto Biyaha Dooxyada ee Markasta oo roob Ina Helo si durdur ah ugu qulqulaya Badaha Inagu xeeran ee Kala Ah Bada Cas iyo Badweynta Hindiya “

Cali Maraykan Isagoo Hadalkiisa sii wata waxaa uu cadeeyey in uu arintan Kala Hadlay Xukuumada Somaliland Gaar Ahaana Xisbiga Talada Dalka Haya ee uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo isla markaana aanay Wax Jawaab Ah ka Ahayn Balse uuMurashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Wadani uu  Ka Balan qaaday In Mashruucaasi La Qabanayo Markuu talada dalka qabtoHadii Ale Yidhaahdo

Dhanka kale Cali Maraykan waxaa Uu Hogotusaaleeyey Qaabkii Isku darsi Iyo Kala Noqosho ee labadii dale ee Somaliland iyo somaliya Loona Yaqaanay Koonfur Iyo waqooyi Waxaana Uu Yidhi Isagoo Ka Hadlaya “Waxaan In Badan La SocdayWarbaahinta Kala Gedisan Ee Ka Hawlgasha Dalka Sida Wargaysyada, Tvyada, Idaacadaha Iyo Goobaha Ay Bulshadu Isagu Timaado Ee Looga Faaloodo Siyaasada Dalka, Taasi oo ku waajahan Wadahadalada U Dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya ee ay wadaan wadamada Caalamku Kaasi oo aan loo waajahin Sida Ay Tahay Xaqiiqdu Amase uu ku dhamaan karo sidaan qabo Anigu,Balse aan odhan karo Waxaa Jira Cid Kale oo Igaga Rayi Duwan

Cali Maraykan oo Hadalkiisa Sii Wata Waxaa uu Sidoo Kale Ka Hadlay Sidii Ay Soomaalidu u wada Noolaayeen Xiliyadii ka Horeeyey Gumaysiga iyo Dhaqamadii ka dhex Jiray waxaana uu Yidhi “Hadaba waxaan Leeyahay Somaliland Taariikhud Markay Ahayd 1960 ayay ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska,Iyadoo Somalialnd  Ahayd Tii Ugu horeysay ee xornimo qaadata shantii soomaaliyeed ee Kala ahaa Djabouti,Nfd,Ogadeniya Iyo Koonfur Iyo Waqooyi,kadib waxay Gobolada woqooyi ee Somaliland oo ahayd Maxmiyad Ingiriis Ah la midowday Koonfurta somaliya oo iyaduna ahayd Mid ay Gumayasato Dawladii Talyaaniga  afar cisho Ka dib 26kii juun oo ahayd 1dii luulyo,Midowgaasi wuxuu Ahaa Midaan Shurruudo la isku Xidhin,Cidina Aanay Dhex u Ahayn Blasé Ahayd Dhaqan Soomaaliyeed oo soo jireen Ah micnihiisuna ahaa HIDDO-RAAC oo Ah in xoolaha la isku darsado lana wada ilaashado”,

Dhaqankaasi Soo Jireenka Ahaa ee Loo Yaqaanay Dhaqan-Raac Kaasi oo Dadka Isku soo Jiidi Jiray Isugna Hiloobi Jireen Waxaana Ay Noqon Jirtay hadii la isku fahmi waayo In la kala soocdo Xoolahaasi La Isku Darsaday Dibna Loo Kala Gurto,Marka lakala soocanayana waxaa dhici Jirtay in Neefaf ku kala Baxsadaan Labada Dhinac Amase Aan idhaahdee Dhinac oo u Ekaan Karta siday aniga Ila Tahay Sed-Bursi.

Hadaba Markii La Isku Afgaran Waayay Midowgii Koonfur iyo waqooyina Dhex u Wada Ahaan waayeen Manfacii Dalka  Isla Markaana Koonfurta Somaliya Sedbursatay waxay Keentay in si dhibyar loo kala gurto,Mana Aha wax la isku dawakhiyo,sidaa awgeed Maalintii La Isku Darsamay Waan Joogay Anigoo Ah Cali Maraynkan Maantoo Lakala noqdayna waan Taagnahay Da’dayduna waa boqol Sano Iyo Lix Bilood

Waxaan Hadal Haamo Lagama buuxshee Xiligan waxaan la yaabanahay Marka la ina leeyahay waa la dhexdhexaadinayaa Somaliland iyo Somaliya si ay u kala go’aan Ama Isugu Soo Noqdaan,Maxaa Yeelay Markii Hore ee ay Isku Darsamayeen 1960kii Miyay Jirtay Cid Dhexdhexaadisay Somaliland Iyo Somaliya Amase Koonfur Iyo Waqooyi.

Hadii uu Wadahadal Jiro waxaa keliya ee Laga wada Hadli karaa Waa Sidi Loo Qaybsan Lahaa Hantidii Ay wada lahayd Umadii Somaliyeed,Maaha Ictiraaf iyo aqoonsi Waxa Laga wada Hadli Karaa.

Ugu Danbayn waxaan Leeyahay Cidii Hadalkayga dood Ka qabta amase wax ka duwan Waxaan Sheegay Haysaa Waa Inay Timaada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here