Sirta iyo mucjisada ‘harada lafaha’ ee Hindiya

0
23
skeleton lake

Meel qodan ah oo qoto-dheer oo ku hoos taalla buuraleyda Himalayas, oo ah meel baraf uu ka buuxo, waxaa ku taalla haro ay yaallaan haraaga lafaha boqollaal qof oo bini-aadam ah.

Harada Roopkund waxay hoos u qodan tahay 5,029-mitir (16,500ft), waana salka hoose ee Trisul – Mid ka mid ah buuraha ugu dhaadheer Hindiya ee gobolka Uttarakhand.

Lafaha haraaga ah waxay daadsan yihiin hareeraha barafka, qaarna gudaha ayey ku jiraan. Waxaa markii ugu horeysay hoosteeda tagay nin Britisha ahaa, sannadkii 1942.

Nus qarnigii la soo dhaafay, seynisyahanno ayaa baaritaan ku sameynayay lafaha halkaa laga helay.

Hadda Harada waxay soo jiidatay seynisyahanno doonaya in ay waxbadan ogaadaan iyo dalxiiseyaal. Balse in halkaa la booqdo waxay ku xiran tahay xilliga sannadka iyo cimilada sida ay tahay. Harada, oo lafaha yaalla badankooda ay barf noqdeen, marna way waynaataa, marna way yaraataa.

keliya marka barafku dhalaalo ayaa la arki karaa lafaha. Mararka qaar waxaa la arki karaa maydad weli hilib iyo haragga uusan ka bi’in oo si fiican u yaalla. Muddadii uu baaritaanka socday, waxaa harada laga helay lafaha dad gaaraya 600-800 oo qof.

Si dalxiiska loo soo jiito, maamulka gobolkaas waxay halkan ugu magac dareen, “Harada Mucjisada”.

Nus-qarnigii la soo dhaafay, waxay seynisyahannada barteen oo baaritaan ku sameeyee haraaga, waxayna keeneen su’aalo aad u badan.

Maxay ahaayeen dadkan? Maxay halkaa ugu dhinteen? Sidey u dhinteen? Halkey ka yimaadeen?

Waxaa jirto aragti hore oo lafahan la xiriirineysa Boqor hore oo Hindiya ka talin jiray iyo qoyskiisa iyo shaqaalihiisa, oo dhammaantood ku dhintay dabeylo iyo baraf, muddo 870 sano ka hor ah.

skeleton lake
Qoraalka sawirka,Haraaga dad lagu qiyaasay 600-800 oo qof ayaa laga helay goobta.

Waxaa kale oo jirto aragtid sheegeysa in haraagan ay yihiin askar Hindi ah oo isku deyay in ay weeraraan Tibet, sannadkii 1841, ka dibna la soo jebiyay. In ka badan 70 ka mid ah waxay ku qasbanaadeen in ay u baxsadaan dhanka buuraha Himalayas, ayna meesha ku dhinteen intii ay soo safrayeen.

Sidoo kale, waxaa jirto fikrad kale oo qabta in halkan ay noqon karto goob lagu aasi jiray dad u dhintay cudurro faafa.

Deegaannada u dhow waxaa laga garanayaa hees caan ah oo ka hadleysa buurta Nanda Devi in ay sameysay duufaan “sida birta u adag” oo dishay dadkii isku deyay in ay ka gudbaan Harada. Buurta labaad ee ugu dheer halkaas ee Nanda Devi, waxay dadka qaar u arkaan sida “ilaah ay caabudaan”.

Cilmi-barisyo horudhac ah waxaa lagu ogaaday in inta badan dadka halkaas ku dhintay ay ahaayeen kuwa dhaadheer oo aan la mid ahayn dadka hadda. Badankooda waxay ahaayeen da’ dhexaad – oo u dhexeeyay 35-40 sano jirro. Carruur kuma jiraan lafaha meesha laga helay.

Qaarkood na waxay ahaayeen haween da’ ahaa. Waxaana la aaminsan yahay in dhammaantood ay caafimaad qabeen.

Sidoo kale, waxaa la qiyaasay in lafaha ay yihiin hal koox oo isla socotay oo ku dhimatay hal musiibo oo ka dhacday halkaa qarnigii 9-aad ee miilaadiga.

Cilmi-baaristii ugu dambeysay oo muddo shan sano ah socotay, waxaa ka qeybgalay 28 aqoonyahanno oo ka kala socotay 16 macaahid waxbarasho oo ku yaalla Hindiya, Mareykanka iyo Jarmalka. Waxay sheegeen in dhammaan aragtiyada la isla dhexmarayo ay suuragal tahay in aysan run ahayn.

Seynisyahannada waxay si hiddo iyo kaarboon ahaan ah u baareen 38 maydad oo laga helay harada, oo 15 ka mid ah ay dumar ahaayeen – waxayna ogaadeen in qaarkood ay halkaas ku dhinteen 1,200 oo sano ka hor, qiyaas ahaan.

Naturally preserved ancient human skeletons under snow found beside high altitude alpine Roopkund lake in Indian Himalayas.
Qoraalka sawirka,Marka uu barafka dhammaado oo uu dhalaalo oo keli ah ayaa la arki karaa lafaha haraaga ah

Sidoo kale waxay ogaadeen in maydadka ay yihiin dad kala duwan, geeridooda na ay suuragal tahay in ay u kala dhexeysay illaa 1,000, qaarkood.

“Waxay arrintaa meesha ka saareysaa in ay hal musiibo ku dhinteen,” ayuu tiri Eadaoin Harney, oo hoggaamineysa cilmi-baarista, kana tirsan Jaamacadda Harvard.

“Weli macadda waxa ka dhacay Harada Roopkund, balse waxaan hadda ognahay in dhimashada dadkan aysan xiriir lahayn oo aysan hal dhacdo ku wada geeriyoon.”

Balse, waa arrin xiiso leh in dadkan ay kala duwan yihiin hiddo ahaan; Hal koox ayaa leh hiddo la mid ah midka dadka Koonfurta Aasiya ee hadda nool. Halka koox kalena ay hiddo ahaan u “dhow yihiin” dadka hadda ku nool Yurub, gaar ahaan Jasiiradda Crete ee Giriigga.

Sidoo kale, dadka ka yimid Koonfurta Aasiya “uma muuqdaan in ay yihiin isku qowmiyad ama qabiil”.

“Qaar kood waxay asal ahaan yihiin qowmiyado hadda ku badan dhanka Waqooyi ee qaaradda, halka kuwa na ay asal u leeyihiin dad hadda ku nool koonfurta,” ayey tiri Ms Harney.

Haddaba, dadkan kala duwan ma waxay Harada u safreen iyagoo kooxo-kooxo ah? Ma waxaa u kala dhexeeyay muddo boqollaal sano ah? Qaarkood ma waxay ku dhinteen hal dhacdo gudaheed?

Hub, qalab kale ama alaab ganacsi, lagama helin goobta – Harada kuma tallo waddo ganacsi loo maro. Baaritaanka hadda laguma ogaanin in caabuq ama cudur uu sabab u ahaa geerida dadkan.

View of Ropkund lake also known as skelton lake or mysterious lake in uttarakhand
Qoraalka sawirka,Goobta waxaa dalxiis ahaan lagu magacaabay “Harada Mucjisada” ee Roopkund.

Dad cibaado u aaday meesha ama u sii maray waa suuragal in ay sharaxaan sababta halkas loogu safrayay. Cilmi-baarisyo ayaa muujiyay in halkaa aanan cibaado loo aadin, lana arag dad ugu safray arrimo diin la xiriira, wixii ka horreeyay qarnigii 19-naad.

Balse waxaa jiro qoraallo macbadyo oo la qoray intii u dhexeysay qarniyadii 8-10-naad, oo dhigaya “sida suuragalka ah ee halka loogu aadi jiray cibaado”.

Haddaba, seynisyahannada waxay aaminsan yihiin in maydadka qaar ee la helay ay ahaayeen dad badan oo halkaa u tagay cidaabo “oo si wadar ah ugu dhintay hal dhacdo”.

Balse sidee dad ka yimid Bariga Badda Mediterranean-ka ugu dhinteen dhulka fog ee Buuraha dhaadheer ee Hindiya?

Waxay u muuqataa in aysan dhici karin in dad Yurub ka yimid ay safraan illaa Roopkund si ay uga qeybgalaan cibaado Hindu-ga u gaar ah.

Ama suuragal ma tahay in ay yihiin dad hiddo ahaan ka soo jeeday Yurub balse halkaa muddo qarniyo ah degganaa oo ku godoonsanaa buuralayda?

“Weli waxaan raadineynaa jawaabaha,” ayey tiri Ms Harney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here