Xubin ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay baarto dhibaato la sheegay in loo geystay 92 qof oo Soomaali ah oo tarxiilkoodii uu fashilmay.
Keith Ellison, oo matala degmo ka tirsan gobolka Minnesota oo ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in laanta socdaalka ay silsilado ku xirxirtay dadkii lasoo tarxiilay ee dib loogu celiyay Mareykanka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay “in loo diiday cunto, dawo iyo qalabka nadaafadda.
Idaacadda Minnesota ee MPR ayaa ku warrantay in diyaaraddii dadkaasi siday ay duushay 7-dii Desembar, balse ay dib ugu noqotay Miami, maalintii xigtay.
Waxay idaacadda baahisay in duullimaadka uu qaatay 40 saacadood oo ay ka mid tahay 23 saacadood oo diyaaradda ay ku sugnayd caasimadda Senegal ee Dakar.
Soomaalida Mareykanka maxay tarxiilka ku muteystaan?
Soomaali Mareykanka ka qaxday oo Canada lagu qaabilay
Warbixin ay maxkamad u gudbiyeen qareenada u doodaya Soomaalida xiran, ayaa lagu sheegay in 92-da qof la garbo-duubay, gacmahooda iyo lugahana ay katiinado ku xirnaayeen muddo 48 saacadood ah.
Mr Ellison wuxuu laanta socdaalka ka dalbaday in ay 48 saac gudahood uga ka jawaabto su’aalo badan oo ay ka mid tahay, maxay diyaaradda ugu noqotay Mareykanka?
Laanta socdaalka waxay sheegtay in diyaaradda ay ku noqotay Mareykanka ka dib markii “ay heli wayday meel ay ku nastaan shaqaalaha sababo la xiriira xaalado ka dhashay hoteelkooda Dakar”, MPR ayaa sidaas ku warrantay.
Sidoo kale, waxay hay’adda beenisay eedaha ku saabsan tacaddiga, waxayna sheegtay in qofna uusan dhaawacmin intii uu duullimaadka socday.
Waxay isku difaacday in badqabka 92-da qof ay ka shaqeynayeen shaqaalihii diyaaradda la socday.
Sidoo kale waxay ku doodeysaa in 61 ka mid ah lagu helay dembiyo, sida “dil, kufsi iyo dembiyo kale oo halis ah”.
Qareennada u doodaya waxay heleen go’aan maxkamadeed oo mamnuucaya in dadkaasi la musaafuriyo illaa 8-da bisha January ee soo socota.
Xeer ilaaliyaha wuxuu amray in kooxda, oo lagu hayo xabsi ku yaalla gobolka Florida, la siiyo daaweynta aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin haddii uu wax dhaawac ah soo gaaray,” idaacadda MPR ayaa sidaasi baahisay.