Siilaanyo oo Eryey Maareeyihii Telefishanka Dawladda

0
31

Hargaysa (Saxil News.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Telefishanka Dawladda Khadar Cali Gaas. waxa uu ku bedelay Masuul cusub oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Mahdi. Xil ka qaadista Maareeyaha waxa lagu caddeeyey Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Caawa.
Xil ka qaadista Masuulkan ayaa ka dambeysay, khilaaf Maamul oo muddo dheer hadheeyey Wasaaradda, kaasoo u dhexeeyay Madaxda ugu saraysa Maamulka, kaasoo dhacdadii u dambeysay ee uu kiciyey Maanta ka dhacday xarunta Wasaarada, taasoo maareeyuhu kula kacay Madax-qaybeedka Wararka ee Telefishanka oo uu Waaran xadhig ah u soo gooyey, kaddib markii Ismaan-dhaaf soo kala dhex galay.
Abiib Iimaan Xasan oo kamida Wariyeyaasha Ruug-cadaadiga ah ee Wasaarada ka shaqeeya, dhawaana wasiirka Wasaaradaasi u magacaabay Agaasimaha Wararka, ayuu Maareeyaha la eryey Waaran soo qabasho ah u faray Booliska, kaasoo markii ay Ciidanku isku dayeen inay fuliyaan Buuq ka dhex abuuray Wasaarada, kaddib markii ay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi is-hortaageen go’aanka xadhiga Wariyahaas.
Isku dayga Xadhiga Abiib Iimaan Xasan, ayaa Maanta Gil-gishay Wasaarada Warfaafinta iyo Qasriga madaxtooyada oo looga soo gurmaday markii qaylada iyo buuqu Istaadhmay. Dadka u dhuunta Daloolla xaalada Wasaarada ayaa tilmaamaya in go’aanka Madaxweynaha ee xil ka qaadistu rujiyey mid kamida Tiirarkii udub-dhexaadka u ahaa Khilaafka hadheeyey Wasaarada Warfaafinta.
Laakiinse dadka qaar ayaa wali ka dayrinaya degenaanshiyaha Wasaaradan, iyagoo farta ku fiiqaya in Mushaakilka ugu weyn ee Wasaarada ragaadiyay uu yahay Wasiirka Wasaaradaas Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo lagu eeddeeyo inuu hab qaybi oo xukun ah ula dhaqmo Shaqaalaha Wasaarada iyo Madax-hoosaadyada. Wasiirka ayaa muddooyinkan dambe faro-gelin ilaa xad ah ku saameeyey Maamulka telefishanka, halkaasoo uu gaadhay heer Xafiiskiisu dejiyo Jadwalka Barmaamujyada iyo Wararka Maalinlaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here