Muqdisho (Saxilnews.com)-Sanadkii 1991-kii ayuu Cali Mahdi Maxamed noqday Madaxweynihii Soomaaliya kaddib markii ay xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre oo 21 so xukumayay dalka.
Cali Mahdi – oo Alle ha u naxariistee Arbacadii ku geeriyooday magaalada Niarobi ayaa xilka ugu sarreeya waddanka Soomaaliya qabtay xilli uu socday dagaal sokeeye oo xooggan.
Wuxuu noqday madaxweynihii afaraad ee soo mara dalka Soomaaliya.
Hadaba waxaan warbixintan ku eegaynaa qaabka uu Cali Mahdi xilkaas ku qabtay, caqabadaha uu wajahay iyo markii dambe qaabka uu ku wareejiyay.
Cali Mahdi iyo Caydiid
Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Jen. Maxamed Siyaad Bare.
Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.
Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.
“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.Bishii November ee sanadkii 1991-kii waxaa wadooyinka Muqdisho ku dagaallmayay ciidamo kala taageersan Cali Mahdi iyo Caydiid
Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi.
Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.
Shirkii Jabuuti
Bartamihii 1991, waxaa shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya martigeliyay madaxweynihii Jabuuti ee xilligaas, Xasan Guuleed Abtidoon.
Shirka waxaa ka qeybgalay inta badan hogaamiyayaashii jabhadihii hubaysnaa, waxaana Cali Mahdi loo ansixiyay inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu shirkaas ka qeybgalin Jen. Ceydiid.
Dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Talyaaniga ayaa durbadiiba aqoonsaday madaxtinimada Cali Mahdi, taasoo ka dhigtay madaxweynaha uu caalamka aqoonsan yahay ee Soomaaliya.
Hase ahaatee xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi ayaa fursad u heli weysay in ay xukunkeeda dhaafiso magaalada Muqdisho, sida uu sharraxayo Cilmi Faarax Webi.
Maamulkii loogu magac daray”Salballaarta” ayaa awood maamul u helay qeybo kooban oo kamid ah Muqdisho, waxaana dalka intiisa kale uu u kala jabay qeybo ay maamulaan hogaamiye kooxeedyo.
Cilmi Faarax Webi ayaa qaba in Cali Mahdi aanu eed ku lahayn in xukuumaddiisa ay dalka intiisa kale gaari weyday.
“Xilligii Cali Mahdi la doortay wuxuu ahaa xilligii ugu xumaa ee Soomaaliya ay dagaallada ku jirtay. Waad la socotaa , madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre wuxuu joogay Gedo, dadku qax ayeyba ku jireen xilli dowlad la fidiyo ama fursad lagu ballaariyo Cali Mahdi xukuumaddiisii maba aysan helin.”
“Cali mahdi Ma uusan helin taageero dhaqaale iyo mid milateri oo uu xukunkiisa ku gaarsiin karay meel ka baxsan Xamar,” ayuu yiri Webi.
11-kii bishii December ee sanadkii 1992-kii ayey labada hoggaamiye kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo dhigayay in ciidamada iska soo horjeeday 48 saacadood looga bixiyo magaalada.
Cali Mahdi xilka madaxweynaha waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka.
Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre.
Sanadihii dambe waxa uu ku mashquulsanaa howlo ganacsi oo uu ka waday magaalada Muqdisho. Wuxuu dhawaan dhameystiray dhismaha ugu dheer caasimadda, oo uu sheegay in ay leedahay xaaskiisa, laguna maalgaliyay dhaqaale kasoo xarooday dhinaca ganacsiga.
xigasho BBC SOMALI