Siday u dhici doontaa dacwadda loo haysta Trump, isagase ma ka qeybgeli doonaa?

0
29
Donald Trump waves as he walks to Marine One on the South Lawn of the White House on 12 January
Waxaa lagu wadaa inay billaabata isbuuca soo socda dacwadda ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo ay aqalka Senate-ka ay dhageysan doonaan. Trump ayaa iska diiday inuu hor fadhiista Aqalka si u uga jawaaba eeeymaha lo soo jeediyay. Waxaa loo haystaa dacwad ku saabsan doorkii uu ku lahaa weerarkii lagu qaaday aqalka baarlamaanka Maraykanka ee Capitol lixdii bishii hore ee Janaury. Hadaba maxaa la fillan karaa?

Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa noqon doona qofkii ugu horreeyey ee taariikhda Maraykanka ay koongareeska soo jeediyaan in xilka laga qaado laba jeer.

Dimoqraadiga ayaa hadda haysta aqlabiyada Golaha Wakiilada, waxayna Trump ku eedaynayaan inuu dhiirogeliyey rabshado la xiriira sheegashadiisii aan waxba ka jirrin ee ahayd in wax la isdabamariyay doorashadii Maraykanka ka dhacday isla markaasina uu dhiirageliyay in la weeraro dhismaha baarlamaanka Maraykanka.

Qaar ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale garab istaagay soo jeedinta xil-kaqaadista Donald Trump.

Maxaa xiga Hadda?

Dacwada Trump loo haysto waxay bilaabanaysaa Talaaddada soo socota, waxaana loo baahan yahay codka seddax meelood labo meel xubnaha aqalka sare inay u codeeyaan xil ka qaadista. Haddii Donald Trump lagu helo eedahana waxay xubnaha Senate-ka u codayn karaan inuusan mar dambe xitaa qabanin xafiis dowladeed.

Maxay yihiin eedaha la soo jeedinayo?

Dimoqraadigu waxay sheegayaan in si ‘shaqsiyan’ ah uu Trump mas’uul uga ahaa rabshadihii dhacayna ayna tahay in lagu xukumo.

Hadal-jeedin hordhac oo la sameeyey ayaa lagu sheegay diidmadiisii isku xigxigtay ee ahayd in laga xaday guusha ay sababtay weerarkii lagu qaaday dalkii uu u dhaartay inuu difaaco.

Donald Trump ayaa warkii uu ka yiri lixdii bishii Janaury isusoobax uu qabtay waxuu abuuray inay soo baxaan qaswadayaasha dhibka geystay

Qolyaha eedaha soo jeedinayay ayaa marqaati ka dhiganaya ereyadii uu Donald Trump ku hadlay iyo muuqaaladii laga duubay dhismaha weerarka uu ka dhacay inay ahaayeen kuwo lasii diyaariyay

‘Cadaymuhu waa kuwo muuqda’ ayaa la yiri oo markii lagu guuldaraystay iskudayadii kale ee doorashooyinka ayaa madaxweynihii hore waxuu kiciyay weerarkii lagu qaaday dhismaha Capitol.

Waxaa sidoo kale eedahani lagu sheegay inkastoo uusan hadda xil haynin hadana ay tahay ‘madaxweynaha inuu si waafi ah uga jawaabo eedaha laga xiriira dhaqankiisii mudada uu xilka hayay ilaa intii xafiiska ka degay’

Qoraalka Muuqaalka,Daawo sida ay Pelosi u jeexjeexday warqadda khudbadii Trump

Maxuu Donald Trump isku difaacayaa

Kooxda Trump u doodaysa waa ay diidi doonaan eedahan ka dhanka ah, waxna ku tilmaameen kuwo qaanuunka baalmarsan , waxayna ku doodayaan inuu Trump yahay muwaadin caadi ah oo aan shaqo haynin oo hadda xilna laga qaadi karin

Qareenada Donald Trump aya aku doodaya in xubnaha Senate-ka aysan eedo usoo jeedin Karin Donald Trump maadaama uusanba haynin xil ama xafiis dowladeed oo hada laga qaado. Waxaa kaloo ay ku doodayaan in hadalladii uu Trump jeediyey aysan ahayn kuwo kiciyay taageerayaashiisa si ay u weeraraan aqalka baarlaamaanka.

Trump eedahan horay ayuu u beeniyey, waxuuna sheegay in hadaladaasi ay yihiin kuwo aan meeshan qaban.

Kooxda sharciyaqaanadaha ah ee Donald Trump u doodaya ayaa horay ugu celceliyey in eedahan xil-kaqaadista ay yihiin kuwo aanan la fahmi karin isla markaasina aysan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka u yaalla dambiyada xil-kaqaadista. Waxayna ku baaqeen inay tahay in dacwadahani la tuuro

Horay ma u dhaceen arimahani?

Weli horay uma aysan dhicin tan oo kale, waana arrin aanan weli la tijaabinin dastuurka Maraykanka ma qeexayo, dacwadda xil-kaqaadista in lagu qaadi kara madaxweyne marka u xilka ka daga

Madaxweynihii hore Richard Nixon dariiqii loo maray xil-kaqaadistiisii waxay dhamaatay markii uu xilka iskcasilay sanadkii 1974-tii sidaas darteed waxaa laga yaabaa in dacwadda Donald Trump loo gudbin doono maxkamada sare, maadaama uu ku doodayo in dacwada ka dhanka ah aysan dastuuri ahayn.

Trump cadaymo ma bixin doonaa?

Taasi waa mid ay rabaan dacwad-oogayaaasha. Talaadadii la soo dhaafay ayay u direen casumaad ay ku dalabadeen inuu su;aalo ka jawaabo.

Maamulada baarlamaanka ayaa ku talinayay inay tilmaami doonaan in aamusnaanta uu kiiskan ka aamusan yahay Donald Trump ay muujinayso run ahaanshaha eedaha loo haysto.

Saacado gudahoodna qareenada Trump waa ay diideen codsigaasi. Balse dacwad-oogayaasha ayaa awood u leh inay ku amraan inuu khasab ku horyimaado, balse taasi waxay u muuqataa inaysan dhici doonin hadda.Donald Trump is “personally responsible” for the riot and must be convicted, Democrats say.

Trump supporters outside the Capitol

Trump malagu xukumi karaa Senate-ka dhexdiisa

Xisbiga Dimoqraadigu waxay Senate-ka ku haystaan kalabar 100 xubnood ee aqalka uu ka kooban yahay, waxayna u baahan yihiin 17 xubnood oo kale dhinaca xisbiga jamhuriga si ay Trump ugu helaan dacwaddan, waana ay adag tahay in Jamhuuriga ay ka codeeyaan madaxweynihii xisbigooda ahaa, balse 10 xubnood oo Jamhuuriyiinta ah ayaa doonayaa in Trump la dacweeyo, tiro yar oo Senate-ka ah waxay si cad u sheegeen inay codayn doonaan.

Trump haddii la maxkamadeeyo markale ma u tartami karaa madaxweynenimo?

Hadii xubnaha senator-ka ay ku heleen dacwadani, xildhibaanada ayaa markale u codayn kara inuusan qaban karin xafiis dadweyne doorasho ku yimid. Waxuuna Trump horay u sheegay inuu doonayo inuu tartamo sanadka 2024-ta.

Sidaasi darted 50 xubnood oo aqalka sare ah iyo madaxweyne kuxigeenka Kamala Harris oo codaysa ayaa Donald Trump rajadiisa siyaasdeed baabi’in karta. Tani waxay soo jiidan kartaa xubnaha kale ee Jamhuuriga ah ee doonaya inay madaxtinimada u tartamaan mustaqbalka iyo waliba kuwa doonaya in Donald Trump xisbiga Jamhuuriga laga saaro

Maxaa kale oo uu weyn doonaa Trump?

Waxaa jira warar sheegaya in Donald Trump uu weyn doono faa’iidooyinka kale ee uu haysto ee xuquuqaha madaxweynaha xilka ka dega lagu siiyo sida, lacagta howlgabnimada lagu siiyo, lacagta caafimaadka iyo waliba ilaalada uu weligiisa haysan lahaa iyo lacagaha canshuuraha, balse waxaa laga yaabaa xuquuqahaasi oo dhan inuu haysto waa haddii la maxkamadeeyo marka uu xafiiska ka dega kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here