Sida booscelisyo aan jirin ay Trump uga hor istaageen dad badan u iman lahaa

0
15
US President Donald Trump arrives at a campaign rally at the BOK Center, June 20, 2020 in Tulsa, Oklahoma

Dad isticmaala barta Tik-Tok iyo taageerayaasha K-Pop ayaa waxa ay ka dambeeyeen tirada yar ee aan la filayn inay u soo baxaan ololihii ugu horreeyay ee muddo bilo ah uu qabto Madaxweyne Donald Trump, waxaa sidaasi ku andacooday dad isticmaala baraha bulshadu ay ku wada xiriirto.

Maareeyaha ololaha Mr Trump ayaa eedda waxa uu dusha kaga tuuray dibadbaxayaal “xagjir ah” iyo warbaahinta.

Hasayeeshee Steve Schmidt oo ku xeel dheer istiraatiijiyadda siyaasadda, ayaa sheegay in dhalinyaro ku nool daafaha Mareykanka ay dalbadeen tigidho iyagoon wax dan ah ka lahayn inay goobta tagaan si ay u xaqiijiyaan in kuraastu ay faaruq ahaato.

Kooxda Trump u qaabilsan ololaha ayaa ku soo warrantay in xafladda ugu yaraan hal milyan oo tigidh loo soo codsaday.

Mr Schmidt oo aad u dhaleeceeya madaxweynaha ayaa sheegay in gabadhiisa 16 jirka ah iyo saabadeed ay codsadeen “boqollaal” tigidh.

Presentational white space

Waalidiin ka soo jawaabay qoraalka Mr Schmidt ayaa sheegay in carruurtoodu ay sidaas oo kale sameeyeen.

Walow kooxda ololaha Mr Trump ay rajaynayeen dad badan ayaa haddana garoonka 19-000 ee kursi ay taal ee Xarunta Bank of Oklohoma ee Tulsa ayaa ka fogaa mid buuxa, halka qorshihiisii ahaa inuu la hadlo dad badan oo bannaanka garoonkaas isugu yimaadana la iskaba dhaafay.

Alexandria Ocasio-Cortez, oo ka mid dadka horumarka raba ee aadka u muuqada, ayaa waxa ay amaantay da’yarta iyo taageerayaasha K-pop waxa ay sheegtay inay “ololaha Trump ku qarqiyeen booscelisyo been abuur ah”.

Presentational white space

Ma ay cadda qaabka boqollaal kun oo tigidh oo la sii qabsaday ay kooxda ololaha Trump ugu maleeyeen inay been abuur aheyd, hasayeeshee muuqaal TikTok la soo dhigay 12 Juun ayaa dadka waxa uu ku dhiirigelinayay inay jartaan tigidho bilaash ah si ay u xaqiijiyaan in kuraas faaruq ah halkaas loogu yimaado, muuqaalkaas oo loo riyaaraqay 700,000 oo jeer.

Muuqaalka ayaa waxaa bartaas la soo dhigay kaddib markii la shaaciyay in isu soo baxa la qaban doono 19 Juun.

Warkaas ayaa aad looga carooday sababtoo waxa ay xafladdu ku beegnayd 19-ka Juun oo ah maalinta loo debaaldego markii Mareykanka laga soo afjaray adoonsigii. Halka ay xafladda ka dhacaysay oo ah Tulsana waxa ay aheyd goob uu muran badan ka dhashay maadaama ay ka mid aheyd goobihii ugu xumaa ee uu ka dhacay xasuuqyadii midabka ku salaysnaa ee taariikhda Mareykanka.

Kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in tiro yar oo dad ah ay soo baxeen, ayaa Mary Jo Laupp oo ah haweeneyda iska leh koontada muuqaalka hore la soo dhigay ayaa waxa ay amaantay dadkii codsigeeda ka soo jawaabay, oo waxa ay u sheegtay dadka da’da yar ee aanan weli gaarin da’da uu qofku ku codayn karo: “Xusuusnow in adiga, hal shay oo aad sameysay iyo inaad xogta dadka la wadaagtay, ay saameyn keentay.”

Haddii ay taasi run tahay, waxa ay noqonaysaa todobaadyadan markii ugu horraysay oo dad isticmaala baraha bulshadu ay muujiyaan saameyntooda siyaasadeed.

Taageerayaasha K-pop, oo ah koox muusiko oo caan ah oo Kuuriyada Koonfureed ka soo jeedda, ayaa waxa ay baraha bulshada wareejinayeen halkudhigga ay mucaaradku adeegsanayeen ee nafta dadka madow macne ayey leedahay, kuwaas oo lacag uruuriyay kaddib markii bishii la soo dhaafay uu dhintay George Floyd oo ahaa Afrikaan Ameerikaan.

Isu soo baxa Donald Trump ayaa waxaa yimid dad ka yar kuwii markii hore la filayay

Cabsida fayraska korona

Waxaa jiray walaaca dhanka caafimaadka ah oo ku saabsanaa in la qabto isu soo baxa, kaas oo ahaa midkii ugu horreeyay ee lagu qabto gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan tan iyo markii la soo rogay xayiraadaha.

Dadka ka qeybgalay isu soo baxa ayaa waxa ay saxiixeen warqad ay ololaha Trump kaga ilaalinayaan inay wax mas’uuliyad ah ku leeyihiin haddii ay halkaas ku xanuunsadaan. Saacado ka hor inta aanay xafladdu bilaaban, saraakiisha ayaa sheegtay in lix ka mid ah shaqaalaha ku howlanaa agaasinka isu soo baxa laga helay cudurka Covid-19.

Supporters hold up signs during a campaign rally for President Donald Trump at the BOK Center, June 20, 2020 in Tulsa, OklahomaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQaar badan oo ka mid ah taageerayaasha Mr Trump ee joogay isu soo baxa ma aanay xirnayn waxa wajiga lagu duubto

Cudurka ayaa ka mid ahaa waxyaabihii uu khudbaddiisa kaga hadlay taas oo qaadatay ku dhawaa laba saacadood oo ay taageerayaashiisa Oklahoma ay u qeylinayeen, halkaas oo ah meel uu ku awood badan yahay Xisbiga Jamhuuriga.

Mucaaradad adag ayuuse la kulmay, oo ay ka mid tahay loollan dhinaca sharciga ah oo ay gaashaanka u daruurtay Maxkamadda ugu sarreysa Oklahoma, kaas oo loogaga soo horjeeday in la qabto isu soo baxa xilligan uu jiro cudurka safmarka ah, iyagoo dhinaca caafimaadka ka hadlaya.

Dadka qaar ayaa waxa ay ka cabsiqabeen in isu soo baxa uu noqdo meel uu si weyn uga faafo fayraska korona.

In ka badan 2.2 milyan oo xaaladood oo Covid-19 ah iyo 119,000 oo dhimasho lala xiriiriyay ayaa waxaa laga soo tebiyay waddanka Mareykanka, sida ku cad xog ay baahisay Jaamacadda John Hopkins.

Muxuu sheegay Trump?

Donald Trump addresses the rallyLahaanshaha sawirkaEVN

Bilowgii khudbaddiisa, Mr Trump ayaa sheegay in ay bannaanka joogaan “dad aad u xun, oo ay wax xun sameynayaan”, hasayeeshee muusan bixin wax sharaxaad ah. Nafta dadka madow macne ayey leedahay koox u ololaynaysay ayaa ka mid ahaa dibadbaxayaal isu soo baxaas ka soo horjeeday oo isugu soo uruuray afaafka hore ee garoonka ka hor xafladda inta aanay furmin.

Mar uu Mr Trump ka jawaabayay fayraska korona, ayuu sheegay inuu saraakiisha ku dhiirigeliyay inay hoos u dhigaan baaritaanka sababtoo ah waxa ay horseedday in xaalado badan la ogaado.

Supporters of US President Donald Trump queue to attend a rally in Tulsa, Oklahoma (20 June 2020)Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDadka ka qeybgalay isu soo baxa ayaa waxa ay saxiixeen warqad ay ololaha Trump kaga ilaalinayaan inay wax mas’uuliyad ah ku leeyihiin haddii ay halkaas ku xanuunsadaan

“Dhinaca xun ee arrintan ayaa ah: Markii aad heerkaas wax u baartid, dad badan ayaa soo helaysaa, xaalado badanna waad helaysaa,” ayuu u sheegay taageerayaal riyaaqayay. “Marka waxaan leeyahay hoos u dhiga baaritaanka. Way baarayaan oo baarayaan.”

Fayraska korona, Mr Trump ayaa yiri, waxa uu leeyahay magacyo badan, oo ay ka mid tahay “Kung Flu”, oo ah magac uu ku durayo Shiinaha oo ah halka cudurka Covid-19 uu ka soo bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here