Meelo badan oo ka tirsan dunida Islaamka, waxaa sannad kasta lagu qabtaa munaasabado lagu xusayo maalintii uu dhashay Nebi Maxamed N.N.K.H.
Balse sannadkan waxaa xuska Mowliidka saameeyay xayiraadaha looga hortaggayo fiditaanka cudurka Koroona. Sidoo kale waxaa jira khilaafka dhanka diiniga ah oo ka dhashay xuska. Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha adka looga xuso Mowliidka.
Culimada diinta Islaamka waxay ku kala aragti duwan yihiin xuska mowliidka, xitaa taariikhda uu dhashay Nebiga waxaa isku khilaafsan Suniiyiinta iyo Shiicada.
Sida ku xusan taariikhda, Nebiga wuxuu dhashay bisha Rabiicul Awal oo suniyiinta ay 12-ka bishan u dabaaldegaan xuska dhalashada Nebiga NNKH, halka shiicada ay xusaan dhalashada mowliidka 17-ka bisha Rabiicul Awal. Marka bisha Rabiicul Awal waxay ku tiriyaan bil dabaaldeg.
Waa khilaaf soo jireen ah. Hoggaamiyihii Ruuxiga Iran, Aayatullah Khomeini, ayaa shaaciyay waxa loogu yeeray “toddobaadka mideynta Muslimiinta” si labadaas taariikh loo xuso mowliidka, waxayna arrintaas soo billaabatay sannadkii 1981, si la isugu soo dhaweeyo Shiicada iyo Suniyiinta.
Sida taariikhda ku xusan, Nebi Maxamed wuxuu dhashay maalin Isniin ah, markii Rasuulka la weydiyay sababta uu u soomo Isniinta wuxuu sheegay inay tahay maalintii uu dhashay.
Nebiga (SCW) wuxuu dhashay Xilligii la oran jiray “Sanadkii maroodiga” kaddib markii boqorkii ka talin jiray Yemen uu isku dayay in uu burburiyo kabacada kaas markii dambe Ilaahey jebiyay.
Sida lagu sheegay siirada, xuska Mowliidka ma aheyn mid caan ah wakhtiyadii hore ee Islaamka. Wuxuu si rasmi ah u bilowday Qarnigii afaraad ee Hijriga, tan iyo wixii markaa ka dambeeyayna wuu soo socday.
Waxaa lagu xusuustaa Mowliidka, xilliggii dowladdii Fatimiyiinta oo uu hogaaminayay Al-Mucizz Li Diini Allah, markii uu tegay Masar sannadkii 969 ee miilaadiga – dadka taariikhda wax ka qora ayaa sheegayaa in sababta uu hoggaamiyahan u abaabulay xuska Mowlidka ay aheyd in uu taageero ka raadiyo shacabka Masaarida.
Markii ay meesha ka baxday dowladdaas, waxaa dowladihii Islaamka la wareegay madax kala duwan, waxaana dhacay khilaaf sababay in meesha laga saaro dabaaldeggi xuska Mowliidka, in kasta oo markii dambe dib loo soo celiyay. Waxaa xuska Mowlidka ka hor yimid dowladdii Ayuubiyiinta, markii dambe, waxaa baneysay in la xuso Mowliidka maamulkii Mamaaliikta.
Xuska Mowliidka wuxuu markii dambe noqday dhaqan u gaar ah Suufida, kaas oo bilowday xilligii hogaamiyihii ka arrimin jiray Masar, Maxmed Cali Paasha. Suufida waxay xilligaas xaflado ballaaran oo lagu xusayo Mowliidka nebiga ku qabteen Masar.
Marka laga soo tago mowqifka Suufida ee ku aadan xuska Mowliidka, culimadii salafiyiinta ahaa ee uu hogaaminayay waddaadkii Sucuudiga u dhashay, Sheekh Cabdul Caziiz Bin Baaz, sannadihii (1912-1999), wuxuu u arkay xuska Mowliidka in uu yahay arrin “aan sal iyo raad toona laheyn”. (saxil news)